Koomishanka Tamarta JSL oo Digniin Adag Kasoo Saaray Qiimaha Korontada Dalka

0
7

Hargeysa (Dawan) Komishanka Nidaaminta Tamarta Somaliland ayaa si cad u sheegay in awoodda sharci ee lagu kordhin karo, lagu dhimi karo ama wax lagaga beddeli karo tacriifada korontada ay si gaar ah u leeyahay Komishanka, sida uu dhigayo Xeerka Tamarta Somaliland. Komishanka ayaa xusay in go’aannada la xidhiidha qiimaha korontada aanay shirkadaha korontada ama ururro kale si madax-bannaan u qaadan karin, balse ay tahay awood sharciyeed oo si cad loogu xilsaaray Komishanka Nidaaminta Tamarta.

Komishanka Nidaaminta Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu tilmaamay in Qodobka 10-aad, farqaddiisa 1-aad, iyo Qodobka 57-aad ee Xeer Lr. 81/2026 ay qeexayaan awoodda hay’adda ee nidaaminta tacriifada korontada. Sidaas darteed, ay shirkadaha korontada waajib ku tah inay Komishanka kala tashadaan isbeddel kasta oo ay doonayaan in lagu sameeyo qiimaha korontada.

Sidoo kale, Komishanku waxa uu sheegay in aanay jirin urur ama hay’ad kale oo awood u leh inay si madax-bannaan u go’aamiso tacriifada korontada, “Go’aannada la xidhiidha kordhinta, dhimista ama wax-ka-beddelka tacriifada korontadu waa awood sharciyeed oo uu leeyahay Komishanka Nidaaminta Tamartu,” ayaa lagu sheegay warbixinta Komishanka.

Komishanku waxa uu sidoo kale ka hadlay war-saxaafadeedkii Ururka SEA ee ku taariikhaysnaa 7-dii Sebtembar 2026, isaga oo sheegay inuu baal-marsanaa Xeerka Tamarta, isla markaana shirkaduhu aanay xaq u lahayn inay dhaqan-geliyaan tacriifad aanu Komishanku soo saarin. “Shirkadna ma qaadi karto tacriifad aanu soo saarin Komishanku.” ayaa si cad loogu sheegay warbixinta Komishanka nidaaminta Tamarta Somaliland.

Waxa kale oo uu Komishanku intaa ku daray in cid kasta oo dhaqan-gelisa tacriifad aan waafaqsanayn nidaamka sharciga ah ay wajihi karto ciqaab iyo ganaax, sida ku cad Qodobka 56aad, farqadihiisa 1aad iyo 2aad ee Xeerka Tamarta Somaliland.

Dhanka kale, Komishanku waxa uu bulshada iyo shirkadaha korontada u caddeeyey in tacriifada hadda dhaqan-galka ahi ay tahay tii uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana aan wax isbeddel ah lagu samayn karin iyadoo aan la marin habraaca sharciyeed ee Komishanka. “Tacriifada dhaqan-galka ah ee korontaddu waa tacriifadii uu soo saaray Madaxweynaha JSL.” ayaa lagu yidhi warka Komishanka.

Digniintan ayaa ku soo beegmaysa xilli bulshadu walaac xooggan ka muujinayso kordhinta qiimaha korontada ee ay ku dhawaaqeen Ururka SEA, taas oo culays dhaqaale ku noqonaysa qoysaska iyo ganacsatada, isla markaana baalmarsan go’aankii Madaxweynaha. Komishanka ayaa si geesino leh ugu adkaystay in cid kasta oo isku dayda inay si ka baxsan sharciga u beddesho tacriifada ay wajihi doonto tallaabo sharci. Komishanka ayaa sidaas ku adkeeyey in qiimaha korontadu aanu ku iman karin go’aan shirkadeed ama urur, balse uu leeyahay hannaan sharciyeed iyo hay’ad awooddeeda si cad loogu qeexay Xeerka Tamarta.