Wasaaradda Beeraha oo Golaha Wakiillada Horgeysay Xeerka Abuurka Dalagyadda JSL

0
11

Qore Maxamed Ducaale Fuuraa

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa Golaha Wakiillada horgeysay Qabyo-qoraalka Xeerka abuurka dalagyada Beeraha, oo lagu doonayo in lagu nidaamiyo abuurka dalka, lagu hubiyo tayadiisa, laguna kordhiyo wax-soo-saarka beeraha iyo sugnaanta cuntada.

Wasiirka Horumarinta Beeraha, Mudane Aadan Geeddi Qayaad, ayaa Golaha ka horjeediyay warbixinta xeerka, ayaa sheegay in baahida loo qabo xeerkan ay si gaar ah uga dhalatay abuurka badan ee dibadda kasoo gala dalka, kaas oo loo baahan yahay in la hubiyo tayadiisa, caafimaadkiisa iyo inuu ku habboon yahay cimilada iyo dhulka Somaliland.

Waxaanu yidhi. “Xeerkan wuxuu naga caawinayaa sidii aynu u xakamayn lahayn siidhka dibadda inaga imanaya, si loo hubiyo waxa uu xanbaarsan yahay, waxa uu ku baxayo iyo inuu ku habboon yahay cimiladeenna iyo dhulkeennaba.”

Wasiirku wuxuu sheegay in xeerku aanu ku koobnayn oo keliya xakamaynta abuurka dibadda, balse uu muhiim u yahay badbaadinta iyo soo celinta noocyadii abuurka dhaqanka Somaliland, kuwaas oo qaarkood sii dabar-go’ayaan.

Waxa uu tusaale u soo qaatay Cilmi-jaamac, Aadan-gaab iyo Tukhub, isagoo xusay in qaar ka mid ah noocyadaas hadda laga helo deegaanno kooban oo ay ka mid tahay agagaarka Qulujeed.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa Golaha ka codsaday in miisaaniyadda sannadka soo socda loogu daro wasaaradda, si loo dhiso xarun weyn oo lagu kaydiyo abuurka, taas oo qayb ka noqonaysa qorshaha lagu ilaalinayo noocyada dalagyada iyo hubinta helitaanka abuur tayo leh.

Dhanka kale, Wasiir Aadan Geeddi Qayaad ayaa shaaciyay in Wasaaraddu waddo diyaarinta xeer lagu xakamaynayo sunta beeraha, si loo hubiyo noocyada dalka soo gala iyo habka loo isticmaalo, isaga oo tilmaamay in isticmaalka sunta aan la nidaamin uu khatar ku yahay caafimaadka bulshada.

Waxaanu yidhi. “Dadkeenna ma doonayno inay waxyeello caafimaad ka qaadaan sunta beeraha, sidaas darteed xeerka sunta beeraha waanu soo wadnaa.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Wasaaraddu diyaarinayso Xeerka Dhulka, oo uu ku tilmaamay mid qayb ka noqon kara qorshayaasha lagu horumarinayo beeraha iyo maamulka dhulka.

Gaba’gabaddii, wasiirka horumarinta Beeraha ayaa Golaha Wakiillada ka codsaday ansixinta Qabyo-qoraalka Xeerka Abuurka Dalagyada, isagoo ku adkeeyey in xeerku saldhig u noqon doono ilaalinta tayada abuurka, soo celinta abuurka dhaqanka, kordhinta wax-soo-saarka beeraha iyo xoojinta sugnaanta cuntada Somaliland.