Khubaro Caafimaad oo ka Digtay Is-dhuubista Xad Dhaafka ah ee Jidhka

0
8

Elif Oral, oo ah dhakhtarad ku takhasustay cudurrada hormoonnada iyo borofisar caafimaad oo ka tirsan Jaamacadda Michigan, ayaa walaac ka muujisay dhaqanka cunto-dhimista ee ay dadka qaar u adeegsadaan inay si xad-dhaaf ah u yareeyaan miisaankooda. Waxay sidoo kale ka hadashay soo noqoshada fikradda ah in qofku aad u caato noqdo, taas oo mararka qaar ay sii xoojiyaan dawooyinka cusub ee miisaan-dhimista ee caan baxay.

Khabiirku waxa uu sheegayaan in rabitaanka ah in dufanka jirka gebi ahaanba laga takhaluso uu keeni karo dhibaatooyin caafimaad. Sida ay sheegtay dufanka jidhku wuxuu leeyahay door muhiim ah oo dhinaca bayoolajiga ah, sida kaydinta tamarta iyo ka qaybqaadashada hawlo muhiim ah oo jidhka ka socda. Sidaa darteed, isku dayga lagu yareynayo dufanka jidhka ee xad-dhaafka ah uu saameyn ku yeelan karo caafimaadka qofka, sidoo kalena uu xidhiidh la yeelan karo cadaadiska bulshada ee ku saabsan muuqaalka jidhka.

Sida ay sheegtay Elif Oral, muddo dheer, dufanka jirka ayaa si khaldan loogu arkayay wax caafimaadka oo keliya waxyeelleeya, waxaana dadka lagu dhiirrigelinayay inay yareeyaan. Hase yeeshee, cilmi-baaris iyo fahamka caafimaad ee casriga ah ayaa muujinaya in dufanka jirku yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah caafimaadka qofka, halka dufan aad u yarna uu sababi karo dhibaatooyin caafimaad.

Khabiirku waxa kale oo uu sheegay in Baraha bulshadu ay sidoo kale si weyn u faafiyanaan fikradda ah in jidhka caatada ahi ama murqo badan leh uu yahay mid aad u caafimaad badan. Sida ay sheegtay khatartan waxaa kaalin ka qaata Dawooyinka iyo hababka kala duwan ee miisaan-dhimista kuwaas oo  iyaguna sii xoojin kara rabitaanka dadka qaarkood ee ah inay si xad-dhaaf ah u yareeyaan miisaanka iyo dufanka jirka. Hase yeeshee, waxay xustay in dufanka jirku leeyahay shaqooyin muhiim ah oo aan laga maarmi karin.

Dufanka jirku ma aha oo keliya meel lagu kaydiyo tamarta, balse waa qayb firfircoon oo ka qayb qaadata hawlo badan oo jidhka ah. Marka qofku cuno cunto ka badan inta jidhkiisu u baahan yahay, qayb ka mid ah tamarta dheeraadka ah ayaa lagu kaydiyaa unugyada dufanka. Tamartaas ayaa jidhku isticmaali karaa marka uu u baahdo.

Sidaa darteed, dufanku wuxuu qayb muhiim ah ka yahay kaydinta tamarta iyo shaqada caadiga ah ee jidhka. Dhibaatadu waxay iman kartaa marka dufanka jidhku si xad-dhaaf ah u bato ama si aad ah loo yareeyo. Ma jiro hal boqolkiiba oo dufan jidheed ah oo qof kasta ku habboon. Heerka dufanka wuxuu ku kala duwanaan karaa qofka, jinsiga, da’da, qaab-dhismeedka jidhka iyo heerka dhaqdhaqaaqa.

Tilmaamaha guud waxay sheegayaan in ragga qaangaarka ah ee caafimaadka qaba ay caadi ahaan leeyihiin dufan jidheed u dhexeeya 10% iyo 20%, halka dumarka qaangaarka ah ay caadi ahaan leeyihiin 20% ilaa 29%. Dadka ciyaaraha sameeya ayaa mararka qaarkood yeelan kara heerar ka hooseeya kuwa dadka kale. Si kastaba ha ahaatee, boqolkiiba dufanka oo keliya laguma go’aamin karo caafimaadka qofka. Waxaa muhiim ah in la tixgeliyo xaaladda guud ee caafimaadka iyo qaab nololeedka qofka.