Khubaro Soo Jeediyey Hababka Ugu Wacan ee Loo Daryeello Maqaarka Dhallinyaradda

0
7

Dr. Zainab Laftah iyo Jonathan Kentley, oo ah khubaro ku takhasusay cudurrada maqaarka, ayaa bulshada la wadaagay talooyin ku saabsan hababka ugu wanaagsan ee loo daryeeli karo maqaarka iyo wajiga, iyo sida habboon ee loola tacaali karo finanka iyo xaaladaha kale ee maqaarka. Labada khabiir ayaa si gaar ah uga hadlay dhibaatooyinka maqaarka ee ku badan dhallinyarada, sida daloollada maqaarka oo muuqda, finanka, casaanka, midabka maqaarka oo meelaha qaar ka madoobaada iyo nabarrada wejiga. Waxay sheegeen in arrimahan ay si weyn uga dhex muuqdaan dhallinyarada, gaar ahaan xilliga qaan-gaadhnimada.

Jonathan Kentley ayaa sheegay in sawirrada badan ee lagu arko baraha bulshada ay dhallinyarada ku abuuri karaan fikrad ah in la gaadhi karo qurux aan dhab ahayn. Waxa uu arrintan ku tilmaamay “heerar qurux oo aan dhab ahayn”, isagoo xusay in aanu jirin qof leh maqaar gebi ahaanba ka madhan calaamadaha dabiiciga ah ee maqaarka. Waxa uu sidoo kale sheegay in in ka badan 80 boqolkiiba dadka da’doodu u dhaxayso 13 ilaa 18 sano ay la kulmaan finan xilliga qaan-gaadhnimada. Khabiirka maqaarka Dr. Zainab Laftah ayaa sheegtay in isbeddellada hormoonnada, gaar ahaan testosterone-ka, ay kordhin karaan soo saarista saliidda dabiiciga ah ee maqaarka, taas oo qayb ka qaadan karta samaysanka finanka. Khubaradu waxay dhallinyarada kula talinayaan in ay ka fogaadaan hababka aadka u adag ee daryeelka maqaarka, iyagoo sheegay in daryeel aasaasi ah uu inta badan ku filan yahay qofka dhallinyarada ah.

Waxyaabaha aasaasiga ah ee ay khubaradu ku taliyeen waxaa ka mid ah: Saabuun ama nadiifiye jilicsan oo wajiga lagu maydho, Kiriim qoyaan siiya maqaarka, oo aan lahayn caraf ama udgoon xooggan iyo Kiriim  qorraxda laga marsado (Sunscreen) si uu maqaarka uga ilaaliyo waxyeellada shucaaca qorraxda. Khubaradu waxay ka digeen in dhallinyaradu aysan isticmaalin alaabooyin badan ama habab aad u adag oo daryeelka maqaarka ah. Waxay tilmaameen in isticmaalka waxyaabo badan oo isku mar ah uusan macnaheedu ahayn in maqaarku si ka wanaagsan u daryeelmi doono.

Waxay sidoo kale ka digeen xoqidda badan ee maqaarka, asiidhyada xooggan iyo isticmaalka walxo badan oo firfircoon, kuwaas oo dhaawici kara difaaca dabiiciga ah ee maqaarka. Salicylic acid waa walax laga helo qaar ka mid ah alaabooyinka daryeelka maqaarka. Waxay ka caawin kartaa in laga saaro saliidda iyo unugyada maqaarka dhintay ee ku urura daloollada maqaarka. Walaxdan waxay si gaar ah waxtar ugu yeelan kartaa dadka leh maqaar saliid badan ama u nugul finanka. Hase yeeshee, isticmaalka xad-dhaafka ah wuxuu sababi karaa qallayl, cuncun iyo dhaawac ku yimaada difaaca dabiiciga ah ee maqaarka.

Daryeelka maqaarku kuma koobna oo keliya waxyaabaha wajiga lagu mariyo. Hurdo ku filan iyo cunto dheellitiran ayaa iyaguna muhiim u ah caafimaadka maqaarka. Qaar ka mid ah arrimaha la xidhiidha qaab-nololeedka, sida hurdo la’aanta iyo cuntooyinka ay ku badan yihiin sonkorta iyo karbohaydraytyada la sifeeyey, ayaa lala xidhiidhiyay soo bixitaanka finanka. Sidaa darteed, dhallinyarada waxaa lagula talinayaa inay fiiro gaar ah u yeeshaan caafimaadkooda guud, iyagoo helaya hurdo ku filan iyo cunto dheellitiran. Khabiiradu waxay sidoo kale ka digayaan in la taabto ama la tuujiyo finanka. Tani waxay kordhin kartaa caabuqa, waxayna keeni kartaa in waxyaabaha ku jira finanku ay si qoto dheer ugu faafaan maqaarka.  Arrintani waxay sababi kartaa nabarro joogto ah ama isbeddel ku yimaada midabka maqaarka. Haddii finanku noqdaan kuwo waaweyn, aad u xanuun badan ama ay keenaan nabarro joogto ah, waxaa habboon in lala tashado dhakhtar ama dhakhtar ku takhasusay cudurrada maqaarka. Xaaladaha noocaas ah mararka qaarkood waxay u baahan karaan daawo uu qoro xirfadle caafimaad.

Dhallinyarada sidoo kale waxaa lagula talinayaa inay taxaddar muujiyaan marka ay xiirayaan timaha wajiga. Xiirasho aan sax ahayn waxay sababi kartaa caabuq ku dhaca xididdada timaha, kaas oo mararka qaarkood u ekaan kara finan. Sidaa darteed, habka saxda ah ee xiirashada iyo ilaalinta nadaafadda maqaarku waxay muhiim u yihiin ka hortagga caabuqa iyo dhibaatooyinka kale ee maqaarka. Farriinta ugu weyn ee khubaradu bixinayaan ayaa ah in daryeelka maqaarka dhallinyaradu uusan u baahnayn alaabooyin badan ama habab adag.

Maqaarka xilliga qaan-gaadhnimadu wuxuu leeyahay isbeddello dabiici ah, sida finan, daloollo muuqda, casaanka iyo midab aan sinnayn. Sidaa darteed, dhallinyaradu waa inaysan isku dayin inay gaadhaan muuqaal “maqaar si buuxda nadiif ah” oo inta badan lagu arko sawirrada la tafatiray ee baraha bulshada. Waxa muhiimka ahi waa in diiradda la saaro caafimaadka maqaarka, daryeel fudud, qaab-nololeed caafimaad leh iyo la-tashiga xirfadlayaasha caafimaadka marka dhibaatooyinka maqaarku noqdaan kuwo daran.