Aqoonyahan Reer Somaliland ah oo ka Qayb-galay Shir Tamarta Nukliyeerka Afrika ee Kigali

0
76

Qore Sacad Xarbi

Hargeysa (Dawan) Diblomaasi Cabdiladiif Maxamed Ismaaciil, oo ka mid ah aqoonyahannada reer Somaliland ee ku takhasusay arrimaha diblomaasiyadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, ayaa ka qaybgalay shir heer caalami ah oo lagaga hadlayey horumarinta tamarta nukliyeerka ee qaaradda Afrika. Shirkan oo ka qabsoomay magaalada Kigali ayaa waxa casuumaddiisa lahaa Madaxweynaha dalka Rwanda, Paul Kagame.

Shirkan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa loona casriyeyn lahaa adeegsiga tamarta nukliyeerka ee Afrika, si qaaraddu u hesho tamar joogto ah, la heli karo isla markaana la isku halayn karo. Waxa kale oo kulanka lagu falanqeeyey doorka ay tamarta nukliyeerku ka qaadan karto kobcinta dhaqaalaha, horumarinta warshadaha, iyo xoojinta sugnaanta tamarta ee dalalka Afrika.

Diblomaasi Cabdiladiif Maxamed Ismaaciil ayaa kulanka ku soo bandhigay aragtiyo la xidhiidha muhiimadda iskaashiga caalamiga ah iyo sidii dalalka Afrika uga faa’iidaysan lahaayeen teknoolajiyada casriga ah ee tamarta si loo xoojiyo horumarka iyo isku filnaanshaha tamarta. Shirkan ayaa sidoo kale fursad u noqday in aqoonyahannada iyo khubarada Afrika ay is dhaafsadaan fikrado iyo waayo-aragnimo ku saabsan mustaqbalka tamarta nukliyeerka ee qaaradda Afrika.