Wargeyska Le Monde: “Loollan Geeska Afrika, Doorka Cusub ee Dawladaha Somaliland, Israel iyo Maraykan”

0
32

Warbixin: “Somaliland oo xuddun u noqotay loollanka juqraafi-siyaasadeed ee gobolka”

Warbixin: “Somaliland iyo Doorkeeda Ballaadhan ee Loollanka Juqraafi-Siyaasadeedka Gobolka”

“Somaliland oo ka dhex muuqatay siyaasada Geeska Afrika ee canaha Caalamiga ah”

Paris (Dawan) Wargeyska Le Monde Diplomatique (LMD), oo fadhigiisu yahay dalka Faransiiska, ayaa warbixin caalami ah oo uu qoray ku tilmaamay Jamhuuriyadda Somaliland in ay tahay ciyaaryahan muhiim ah oo ka dhex muuqda siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Warbixintan, ayaa lagu sheegay in Somaliland ay sannadihii u dambeeyay dhisaysay xidhiidho caalami ah oo cusub, gaar ahaan Israel iyo qaar ka mid ah dalalka Khaliijka, iyadoo sidoo kalena rajaynaysa inay taageero dheeraad ah ka hesho Maraykanka.

Warbixintan oo uu qoray Brendon Novel, oo ka tirsan Le Monde diplomatique, ayaa lagu sheegay in Somaliland ay isu soo bandhigto inay tahay meel ka duwan xaaladaha ka jira qaybo badan oo gobolka ah, iyadoo xoogga saaraysa xasilloonideeda iyo qabashada doorashooyinkeeda dimuquraadiga ah oo joogto ah. Dhanka kale, dowladda Somaliland ayaa lagu tilmaamay in ay muhiimad gaar ah siisay goobta istaraatiijiga ah ee dhulkeeda, gaar ahaan xeebta Gacanka Cadmeed oo ku dhow marinnada muhiimka ah ee ganacsiga iyo isku-socodka maraakiibta.

Dhanka kale, warbixintan oo Wargeyska Dawan soo xigtay waxa sidoo kale lagu xusay in Somaliland ay xoojisay xidhiidhkeeda caalamiga ah iyo iskaashiga ay la leedahay dalal kala duwan, gaar ahaan Israel iyo waddamada Khaliijka, iyadoo la sheegay inay jiraan heshiisyo ganacsi iyo kuwo amni oo ay la gashay qaar ka mid ah dalalka gobolka. Sidoo kale, warbixintu waxay tilmaantay in Somaliland ay hadda rejaynayso inay taageero dheeraad ah ka hesho dawladda Maraykanka.

Warbixintu waxay sheegtay in Somaliland ay taageero ka haysato qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo kooxaha muxaafidka ah ee Maraykanka, kuwaas oo u arka Somaliland meel juqraafi ahaan muhiim u ah danaha istaraatiijiga ah ee Maraykanka, gaar ahaan marka laga hadlayo loollanka iyo tartanka saameynta Shiinaha ee Afrika. Qodob kale oo muhiim ah oo warbixintu soo bandhigtay ayaa ah dadaallada istaraatiijiga ah ee la xidhiidha aqoonsiga Somaliland iyo taageero ay ka hesho Maraykanka.

Senator-ka Xisbiga Jamhuuriga ah Ted Cruz iyo Mike Evans, oo ah aasaasaha Friends of Zion Heritage Center, ayaa sida lagu sheegay warbixinta si cad ugu baaqaya Madaxweynaha dawladda Maraykanka Donald Trump inuu aqoonsado Jamhuriyadda Somaliland. Waxa kale oo ay tilmaantay warbixintu in siyaasiyiintan miisaan culus ku leh saaxadda siyaasaadda dalka Maraykanku ay xoogga saarayaan muhiimadda istaraatiijiga ah ee Somaliland u leedahay siyaasadda iyo amniga gobolka.

Warbixinta Wargeyska Le Monde diplomatique wuxuu Somaliland ku habbirayaa qaab ka ballaadhan arrinta aqoonsiga oo kaliya. Isaga oo si toos ah ugu xidhaya Jamhuuriyadda Somaliland loollanka juqraafi-siyaasadeed ee ka socda Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Waxaana lagu yidhi “Goobta istaraatiijiga ah ee Somaliland, gaar ahaan muhiimadda Dekedda Berbera, waxay siinaysaa fursad ay kaga qaybqaadato ganacsiga, gaadiidka iyo saadka gobolka. Isla goobtaas ayaa sidoo kale ka dhigaysa Somaliland meel ay danaynayaan quwadaha doonaya inay xoojiyaan saamayntooda iyo joogitaankooda istaraatiijiga ah ee marinnada badda iyo amniga gobolka.

Waxa kale oo ay warbixintu intaas ku dartay “Muhiimadda Somaliland kuma koobna oo keliya arrinta aqoonsiga, balse waxay si dhow ula xidhiidhaa goobteeda juqraafiyeed, xeebta Gacanka Cadmeed, Dekedda Berbera, ganacsiga gobolka iyo loollanka quwadaha caalamka. Sidaas awgeed, Somaliland waxay si isa soo taraysa uga dhex muuqanaysaa doodaha ku saabsan mustaqbalka siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga Geeska Afrika, iyadoo goobteeda istaraatiijiga ah iyo xidhiidhada caalamiga ah ee ay dhisanayso ay siinayaan fursado ay ku kordhin karto doorkeeda gobolka.”