Dalalka Somaliland iyo Itoobiya oo Xoojinaya Iskuxidhka Ganacsiga iyo Hannaanka Maaliyaddeed

0
20

 

Hargeysa (Dawan) Guddoomiye Ku-xigeenka Bangiga Dhexe ee Somaliland Mudane Xamse Khayre ayaa sheegay in xoojinta xidhiidhka ganacsi iyo maaliyadeed ee Somaliland iyo Itoobiya ay muhiim u tahay kobcinta ganacsiga xuduudaha isaga gudba, fududaynta lacag-bixinta iyo maalgelinta ganacsatada. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in isku-xidhka maaliyadeed ee labada dal uu kor u qaadi karo kalsoonida ganacsatada, yareynta khataraha lacag-bixinta, fududaynta helitaanka maalgelinta, isla markaana xoojin karo xidhiidhka dhaqaale ee Somaliland iyo Itoobiya.

Guddoomiye Ku-xigeenka ayaa sidan ka sheegay munaasabad loo sameeyay Daah-furka rasmiga ah ee Ururka Ganacsiga iyo Ganacsatada Itoobiya ee Somaliland (ETBAS), kaas oo loo asteeyey inuu noqdo madal ay ganacsatada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Somaliland ku mideeyaan danahooda ganacsi, ku soo bandhigaan caqabadaha jira, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha dowladda, bangiyada iyo qaybaha kale ee ay khusayso.

Guddoomiye Xamse Khayre waxa uu hambalyo u diray hoggaanka iyo xubnaha ururka ETBAS isaga oo ku ammaanay Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska taageerada ay siisay aasaaska ururkan. Guddoomiye Ku-xigeenku wuxuu tilmaamay in ururkani uu leeyahay fursad uu kaga gudbo matalaadda danaha ganacsatada oo keliya, isla markaana uu ku noqon karo buundo isku xidha ganacsatada, hay’adaha dowladda iyo hay’adaha maaliyadeed, si loo aqoonsado caqabadaha ganacsi loona horumariyo xalal wax-ku-ool ah oo ku saabsan ganacsiga, maaliyadda, saadka iyo maalgashiga.

Waxa uu sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay yihiin laba dal oo leh fursado dhaqaale oo dabiici ah, iyada oo ay ka dhexeeyaan xuduud, bulshooyin isku xidhan, suuqyo iyo isu-socodka badeecooyinka ganacsi iyo bulsho. Sidoo klae wuxuu si gaar ah u xusay muhiimadda marinka Berbera–Hargeysa–Wajaale–Itoobiya, isaga oo tilmaamay in horumarinta marinkan ay Somaliland iyo Itoobiya u abuuri karto fursado cusub oo ganacsi iyo maalgashi, isla markaana ay kaalin ka qaadan karto kobcinta isku-xidhka dhaqaale ee gobolka. Maadaama oo uu yahay marin maaliyadeed oo hufan, ammaan ah oo la isku halayn karo.

Waxa uu sheegay in ganacsiga xuduudaha isaga gudba uu u baahan yahay nidaam bangiyeed oo ganacsatada u oggolaanaya inay si rasmi ah u bixiyaan una helaan lacagaha, iyadoo la ilaalinayo shuruucda iyo xeerarka maaliyadeed ee labada dal. Dhanka kale Guddoomiye Ku-xigeenku wuxuu sidoo kale iftiimiyey muhiimadda maalgelinta ganacsiga, gaar ahaan shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah.

Waxa uu sheegay in mararka qaarkood ganacsade uu haysto fursad ganacsi oo faa’iido leh, balse aanu awoodin inuu ka faa’iidaysto sababo la xidhiidha farqiga u dhexeeya waqtiga uu iibiyuhu doonayo lacagta iyo waqtiga uu iibsaduhu ka heli karo lacagta macaamiishiisa. Sidaas awgeed, wuxuu tilmaamay in adeegyada ay ka mid yihiin working capital, dammaanadaha, Letters of Credit iyo hababka kale ee maalgelinta ganacsiga ee waafaqsan Shareecada Islaamka ay muhiim u yihiin fududaynta ganacsiga labada dhinac.

Waxa uu xusay in adeegyada noocan ahi si gaar ah muhiim ugu yihiin ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah, kuwaas oo mararka qaarkood fursado ganacsi haysta balse u baahan maalgelin si ay u fuliyaan himiladooda. Guddoomiye Ku-xigeenku wuxuu sidoo kale ka hadlay horumarinta lacag-bixinta dijitaalka ah iyo baahida loo qabo in la xoojiyo isku-xidhka nidaamyada lacag-bixinta iyo macaamilka bangiyada dhexdooda.

Guddoomiye Ku-xigeenku wuxuu sheegay in iskaashiga maaliyadeed ee Somaliland iyo Itoobiya uu yahay arrin ay hay’adaha labada dhinac hore uga wada hadleen. Waxa uu xusay kulan dhacay bishii Agoosto 2025 oo dhex maray Guddoomiyaha Bangiga Somaliland iyo Guddoomiyihii xilligaas ee Bangiga Qaranka Itoobiya, kaas oo diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin lacag-bixinta, maalgelinta ganacsiga, sarifka lacagaha qalaad iyo iskaashi ballaadhan oo dhinaca maaliyadda ah.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inuu wadahadallo la yeeshay masuuliyiin ka tirsan EthioSwitch, oo ah nidaamka lacag-bixinta qaranka Itoobiya, si loo dardargeliyo fahamka ku saabsan sida loo horumarin karo isku-xidhka kaabayaasha lacag-bixinta ee labada dal. Guddoomiye Ku-xigeenku wuxuu ku booriyey ITBOS iyo ganacsatada inay hay’adaha dowladda iyo bangiyada la wadaagaan caqabadaha dhabta ah ee ay kala kulmaan ganacsiga xuduudaha isaga gudba, gaar ahaan caqabadaha la xidhiidha helitaanka adeegyada bangiyada, xawaaraha iyo kharashka lacag-bixinta, maalgelinta ganacsiga, sarifka lacagaha qalaad, kastamada iyo saadka.