Safarka Madaxweynuhu Waa Fursad Muhiima” Agaasime Maxamed

0
11

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in safarka Madaxwayne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ugu baxay dalka Maraykanka uu yahay mid la xidhiidha raadinta aqoonsiga Somaliland iyo xoojinta xidhiidhka ay la leedahay dalalka caalamka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa safarka Madaxweynaha ku tilmaamay mid ka mid ah safarradii ugu ballaadhnaa uguna miisaanka cuslaa, isaga oo xusay in la filayo in Madaxweynaha uu dalalka uu booqanayo kala hadlo arrimo badan oo muhiim u ah Somaliland.Waxa uu sheegay in safarkani ku soo beegmay wakhti muhiim ah, isla markaana uu Somaliland siinayo fursad ay ku xoojiso xidhiidhkeeda caalamiga ah.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland uu u abuuray fursad cusub oo ay ku kordhin karto xidhiidhka ay la leedahay dalalka kale ee caalamka. “Madaxwaynuhu safarkiisii la xidhiidha qaddiyada ictiraaf raadinta JSL iyo cilaaqaadka Somaliland ee dunida ayuu ku maqan yahay,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudane Maxamed Cabdiraxmaan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa kale oo oo intaasi ku daray “Booqashada Madaxweynaha ee Maraykanku waa safarkii ugu balaadhnaa uguna misaanka cuslaa. Waxaan rejeynaynaa in madaxwaynuhu dalalka uu la kulmayo uu soo hordhigi doono arrimo badan oo muhiim ah, waana fursad aad u muhiim ah oo wakhti aad u muhiim ahna kusoo hagaagtay. Aqoonsigii aan ka helnay dowladda Israa’iil waxa ay inaga dhigay dal la aqoonsaday, dalalka kalena waxaan doonaynaa inaan cilaaqaadkooda kordhino.”