Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL oo Qaabilay Orodyahanadii Qaaday Guulasha Half Marathon-ka

0
15

 

Hargeysa (Dawan) Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa qaabilay ciyaartoyda Kooxda Gaashaan ee Ciidanka Qaranka, kuwaas oo guulo muhiim ah ka soo hooyey tartankii Hargeysa International Half Marathon-ka 21KM, iyaga oo si weyn uga dhex muuqday tartanka qaybihiisa kala duwan.

Ciyaartoyda Kooxda Gaashaan ayaa tartanka ka gaadhay natiijooyin sare, iyadoo orodyahan Fu’aad Siciid uu ku guulaystay kaalinta koowaad ee ragga, halka ciyaartoy kale oo ka tirsan kooxda ay kala heleen kaalmaha saddexaad, afraad iyo shanaad.

Sidoo kale, ciyaartoyda gabdhaha ee kooxda ayaa ku guulaystay kaalinta koowaad iyo labaad, taas oo muujisay awoodda iyo diyaar-garowga ciyaartoyda Ciidanka Qaranka.

Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa ciyaartoyda ugu hambalyeeyey guulaha ay soo hoyeen, isaga oo uga mahadceliyey dadaalka iyo tababarka ay muujiyeen, isla markaana ku bogaadiyey sida ay Ciidanka Qaranka iyo Somaliland ugu meteleen tartanka.

Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa sheegay in la sii xoojin doono horumarinta ciyaaraha Ciidanka Qaranka, gaar ahaan waaxyaha iyo qaybaha kala duwan ee ciyaaraha, si loo kobciyo kartida ciyaartoyda, kor loogu qaado tababarrada, loona abuuro fursado ay ku gaadhaan guulo dheeraad ah.

Taliyaha ayaa ciyaartoyda u jeediyey dardaaran iyo dhiirrigelin, isaga oo kula dardaarmay inay sii laba-jibaaraan dadaalka, anshaxa iyo tababarka, si ay mustaqbalka u soo hooyaan guulo kale oo ay ku metelaan Ciidanka Qaranka iyo Qaranka Somaliland.

Guusha Kooxda Gaashaan ayaa sidoo kale muujinaysa doorka ay ciyaaruhu ka qaadan karaan kobcinta caafimaadka, adkaysiga iyo isku-duubnida xubnaha Ciidanka Qaranka, iyadoo Taliska Ciidanku ballanqaaday in la sii horumarin doono qaybaha ciyaaraha.