Degmada Axmed Dhagax oo Dardargelisay Iftiiminta iyo Banaynta Waddooyin-ka

0
12

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Degmada Axmed Dhagax ee caasimadda Hargeysa, ayaa ammaanay dadka ku dhaqan degmada, isagoo sheegay inay yihiin bulsho si wanaagsan uga qaybqaadata bixinta cashuuraha, isla markaana fahamsan muhiimadda ay cashuurtu u leedahay dawladnimada iyo adeegyada bulshada. Waxa uu xusay in cashuurtu laf-dhabar u tahay hawlaha dawladda iyo horumarinta adeegyada bulshada, waxaanu ugu baaqay cid kasta oo cashuuri ku baaqatay inay sannadkan si buuxda u bixiyaan o waajibaadkooda cashuureed.

Guddoomiye, Maxamuud Cabdi Xasan Koofiindhe, oo waraysi siiyay Wargeyska Dawan waxa kale oo uu ka hadlay mashaariic horumarineed oo laga hir-gelinayo kaas oo lagu iftiiminayo waddooyinka degmada, gaar ahaan waddada Masalaha, iyadoo la adeegsanayo laydh ku shaqaynaya tamarta cadceedda. Guddoomiyaha ayaa sheegay in qorshaha iftiiminta waddada Masalaha la hirgelin doono bishan, isagoo tilmaamay in ay soo gaadheen 80 qashaafadood oo loogu talagalay iftiiminta waddooyinka.

Guddoomiye Maxamuud Cabdi Xasan Koofiindhe waxa kale oo uu xusay in mashruucan ay iska kaashadeen Guddida Horumarinta Degmada iyo qurbo-joogta, halka Dawladda Hoose ee Hargeysa ay qayb ka qaadanayso hirgelinta mashruuca, gaar ahaan samaynta iyo rakibidda biraha lagu xidhi doono qashaafadaha. Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale sheegay in waddada Masalaha View ilaa Cowsob la qorsheeyay in bishan la iftiimiyo, iyadoo la adeegsanayo laydh ku shaqaynaya tamarta cadceedda. Waxaanu yidhi:

“Iftiiminta laydhka ee Degmada Axmed Dhagax meel fiican ayay noo maraysaa. Waxa noo yimid 80 qashaafadood oo ay iska kaashadeen Guddida Horumarinta Degmada iyo qurbo-joogtu. Dawladda Hoose waxay ku kordhinaysaa biraha lagu xidhayo qashaafadaha iyo rakibaaddooda. Masalaha View ilaa Cowsob bishan ayaannu iftiimin doonaa. Waana laydh ku shaqaynaya tamarta cadceedda, kaas oo wax badan ka beddeli doona muuqaalka iyo amniga waddada Masalaha.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu ugu baaqay shacabka degmada inay ka qayb qaataan bilicda iyo iftiiminta deegaanka, isagoo dadka ku dhiirrigeliyay inay guryahooda hortooda ku rakibaan laambadaha amniga. Waxa uu sidoo kale shirkadaha korontada ugu baaqay inay ilaaliyaan oo ay xoojiyaan adeegyada laydhka ee degmada. Waxaanu yidhi “Bulshada waxaan ugu baaqayaa in uu qof waliba gurigiisa hortiisa ku xidho laambadaha laydhka ee sakuuratiga, taas oo ka qaybqaadanaysa bilicda, iftiiminta degmada iyo amniga, shirkadaha laydhka waxa aanu ka codsanaynaa in ay laydhka ilaaliyaan”.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Degmada Axmed Dhagax ayaa sheegay in toddobaadkii u dambeeyay degmada laga waday olole lagu banaynayo waddooyinka, gaar ahaan meelaha uu ku batay geedka garanwaaga. Waxa uu sheegay in geedka garanwaagu uu meelo badan ka dhigay dhul kaymo u eg, kuwaas oo, sida uu sheegay, ay mararka qaarkood ku dhuuntaan dadka mukhaadaraadka isticmaala, taasina ay saamayn ku yeelan karo ammaanka iyo bilicda degmada.

Guddoomiyaha oo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Degmada Axmed Dhagax waxa aanu ka wadnaa olole lagu banaynayo waddooyinka. Geedka garanwaagu waxa uu xidhay dhul badan. waxa uu keenay in meelo badani ay kaymo noqdaan oo mukhaadaraadka lagula dhuumanayo, taas oo amniga wax u dhimaysa, sidoo kalena qashin lagu shubayo. Arrintaasi waxay keentay inaan bilowno olole ballaadhan oo lagu jarayo geedka garanwaaga. Waxaan dadka leh dhulka uu geedka garanwaagu ka baxay ugu baaqayaa inay sharciga waafajiyaan dhulkooda.”

Sidoo kale, Maxamuud Cabdi Xasan Koofiindhe Guddoomiyaha Degmada Axmed Dhagax ayaa shacabka ku dhaqan Degmada ugu baaqay inay bixiyaan wixii cashuur ah ee ku baaqatay ama lagu leeyahay, isagoo xusay in cashuuruhu laf-dhabar u yihiin adeegyada iyo horumarka dawladnimo. Waxa uu yidhi “Dadka ku dhaqan Degmada Axmed Dhagax waa dad wanaagsan oo cashuurta bixiya. Cashuurtuna waa waxa aynu dawladnimada ku nahay. Wixii cashuur ah ee ku baaqday ee lagu leeyahay waa in sannadkan la soo bixiyo.”