Bulshada Gobolka Maroodijeex oo Looga Digay Khatarta ka Dhalan Karta Duufaannaddaa El Nino

0
16

 

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Bulshada ku nool Gobolka Maroodijeex iyo degmooyinka hoos yimaadda ayaa looga digay khataraha ka dhalan kara duufaanno iyo roobab la xidhiidha xaaladda El Niño, iyadoo loogu baaqay inay ka fogaadaan goobaha biyuhu maraan, dhismayaasha duugoobay, xadhkaha korontada iyo meel kasta oo khatar gelin karta nafta iyo hantida, isla markaana ay hore u sii diyaarsadaan agabka iyo dawooyinka muhiimka ah ee xaaladaha degdegga ah.

Agaasimaha Waaxda Maaraynta Khataraha iyo Masiibooyinka Dawladda Hoose ee Hargeysa, Cali Maxamed Nuur (Cali Dheereeye), ayaa sheegay in laga werwersan yahay duufaanno saameyn ku yeelan kara deegaannada ay ku soo beegmaan, isagoo bulshada ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan iyo diyaar-garow.

Waxaanu yidhi. “Bulshaweynta ku nool Gobolka Maroodijeex iyo degmooyinka hoos yimaadda waxaanu leenahay ka fogaada goobaha biyo-mareennada sida dooxyada, si gaar ah isha ha loogu hayo dadka nugul sida carruurta iyo dumarka, kana digtoonaada dabaylaha ka dhalan kara.” Waxa uu sheegay in bulshada ay sidoo kale ka fogaato guryaha gaboobay, dhaamamka, berkedaha iyo jararka dooxyada, kuwaas oo halis ugu jira inay dumaan ama ay daadadku saameeyaan.

Cali Dheereeye waxa uu si gaar ah uga digay khataraha ka iman kara biraha laydhka iyo telefoonada, xadhkaha korontada iyo boodhadhka meelaha lagu rakibay, isaga oo waalidiintana ugu baaqay inay carruurtooda ka ilaaliyaan xadhkaha danabka leh. Waxaanu yidhi. “Waxa muhiim ah qofku inuu haysto toosh ama qalab kale oo iftiin bixiya, haddii korontadu tagto, isla markaana uu xafido lambarrada gurmadka degdegga ah.”

Agaasimaha ayaa sidoo kale ku boorriyey qoysaska inay haystaan raadiyo ay kala socdaan wararka, dawooyinka muhiimka ah sida kuwa macaanka iyo dhiig-karka iyo cuntooyin fudud haddii xaaladdu dheeraato. Gaba’gabaddii, waxa uu bulshada kula dardaarmay inay ka fogaadaan jidadka iyo goobaha hoose marka roobabku xooggan yihiin, isla markaana ay raadsadaan meel ammaan ah oo ka sarraysa oogada dhulka. Waxaanu yidhi.“Haddii xaaladdu adkaato, meel fayow oo ka sarraysa oogada dhulka waa in aad degtaan.”