Fokus: Somaliland Waa Dal Leh Dhaxal Taariikheed oo Isku Dhafay Dhaqan Hodan ah iyo Horumar Casri ah!”

0
9

Somaliland ayaa mar kale soo jiidatay indhaha warbaahinta iyo dalxiisayaasha caalamka, kaddib markii barnaamijka “Sınırların Ötesi” ee ka baxa warbaahinta caalamiga ah ee Fokus uu baahiyey warbixin cusub oo lagu soo bandhigay horumarka Somaliland iyo dhinacyo kala duwan oo ka mid ah nolosha bulshada, dhaqaalaha, xoolaha, dhaqanka iyo dhaxalka aariikhiga ah eedalka. Warbixinta oo si gaar ah diiradda u saartay caasimadda Hargeysa, deegaannada miyiga iyo magaalada Berbera, ayaa lagu soo bandhigay hab-nololeedka bulshada, horumarka ka socda magaalooyinka, dhaqashada xoolaha iyo goobaha taariikhiga ah ee Somaliland.

Fokus oo xarunteedu tahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kana foollata Bariga Dhexe iyo arrimaha caalamka, waxa kale oo ay barnaamijkeeda ku iftiimisay kobaca dhaqaalaha Somaliland, suuqyada, ganacsiga, iyo isticmaalka adeegyada casriga ah ee lacag-bixinta moobilka. Sidoo kale, warbixintu waxay booqatay magaalada Berbera oo ah magaalo xeebeed taariikhi ah, halkaas oo lagu soo bandhigay muhiimadda ay magaalada u leedahay taariikhda, ganacsiga iyo isku-xirka gobolka Geeska Afrika.

Warbixintu waxay si gaar ah u iftiimisay horumarka iyo adeegsiga hababka casriga ah ee lacag-bixinta Somaliland, gaar ahaan adeegyada lacagaha moobilka. Barnaamijku wuxuu xusay in Somaliland leedahay lacag u gaar ah, isla markaana nidaamka lacag-bixinta moobilku uu si weyn uga dhex muuqdo nolol-maalmeedka iyo ganacsiga bulshada.

Warbixinta FUKOS waxay arrintan ku tilmaantay horumar muuqda oo muujinaya sida tiknoolajiyadu uga mid noqotay nolol-maalmeedka bulshada iyo ganacsiga Somaliland. Waxay xustay in isticmaalka taleefannada casriga ah iyo adeegyada moobilku ay si weyn u fududeeyeen isgaadhsiinta, lacag-bixinta, helitaanka adeegyada kala duwan iyo kobcinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa waaweyn ee Somaliland. Iyada oo tilmaanay in arrintani ay si gaar ah u muujinayso doorka sii kordhaya ee tiknoolajiyada horumarinta dhaqaalaha, fududaynta adeegyada iyo xoojinta isku-xidhka bulshada Somaliland.

Warbixintu waxay soo bandhigtay isku-dhafka dhaqanka iyo horumarka casriga ah ee Somaliland, iyadoo si gaar ah diiradda u saartay horumarka ka muuqda caasimadda Hargeysa, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo adeegyada casriga ah. Waxa ay tilmaantay in Caasimadda Somalialnd ay tahay magaalo firfircoon oo si xawli ah u kobcaysa, taas oo ay ka muuqdaan dhismayaal cusub, dhaqdhaqaaq ganacsi oo xoogan, suuqyo firfircoon iyo adeegyo casri ah.

Sida lagu xusay warbixinta, magaalada Berbera waxay isku darsatay dhaxal taariikheed, xeeb istaraatiiji ah iyo muhiimad ganacsi, halka miyiga Somaliland uu weli si weyn u ilaashanayo dhaqanka iyo hab-nololeedka xoolo-dhaqatada. FUKOS waxay barnaamijkeeda ku xustay in saddexdan deegaan ay bixiyaan sawir isku dhafan oo ka tarjumaya Somaliland: magaalooyin horumaraya oo leh adeegyo casri ah, miyi weli ku tiirsan dhaqanka iyo xoolaha, iyo magaalo xeebeed taariikhi ah oo door muhiim ah ka qaadanaysa dhaqdhaqaaqa ganacsiga Gobolka.