Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay Safiirka Dawladda Taiwan (The Republic of China) u fadhiya Somaliland, Mudane Allen C. Lou, kala wareegtay deeq lacageed oo dhan 1 Milyan oo Dollar, taas oo loogu talagalay xoojinta, kordhinta iyo tayaynta adeegyada sifaynta kelyaha (Dialysis) ee Cusbitaallada Jamhuuriyadda Somaliland.
Deeqdan ayaa qayb ka ah taageerada Dawladda Taiwan ee dhinaca caafimaadka, iyadoo lagu taageerayo sidii loo kordhin lahaa helitaanka adeegyada sifaynta kelyaha, loona tayayn lahaa daryeelka bukaannada qaba xanuunnada kelyaha. Waxaanu munaasibadda lagula kala wareegay goob joog ahaa Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Agaasimaha Guud ee Dhakhtarka Hargeysa.
Taageerada Dawladda Taiwan ee dhinaca caafimaadka waxa ay door muhiim ah ka qaadanaysaa horumarinta adeegyada caafimaad ee muhiimka ah, gaar ahaan daryeelka bukaannada qaba xanuunnada kelyaha, iyada oo deeqdan lagu taageerayo sidii loo kordhin lahaa helitaanka adeegga sifaynta kelyaha, loona tayayn lahaa adeegyadan oo lagama maarmaan u ah nolosha bukaanka kelyaha.
Dhinaca klae Safiirka Dawladda Taiwan iyo weftigiisa ayaa kadib munaasibadan waxa ay Xafiiskiisa ku booqdeen Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi. Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa si qoto dheer ugu mahadnaqay Dawladda Taiwan taageerada joogtada ah ee ay siiso Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada caafimaadka, horumarinta adeegyada bulshada iyo mashaariicda horumarineed ee wax-ku-oolka ah ee ay Dawladda Taiwan ka hirgeliso Somaliland.
Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu xusay in iskaashiga Somaliland iyo Taiwan uu yahay tusaale muuqda oo ka tarjumaya sida laba dal iyo laba shacab ay isu kaashan karaan, una wada abuuri karaan fursado horumarineed oo si toos ah wax uga beddela nolosha bulshada. Dhankiisa, Safiirka Dawladda Taiwan (The Republic of China) u fadhiya Somaliland, Mudane Allen C. Lou, ayaa sheegay in Taiwan ay ku faraxsan tahay iskaashiga labada dhinac, isla markaana ay sii wadi doonto taageerada Somaliland, gaar ahaan dhinacyada Caafimaadka, ICT-ga, beeraha, amniga, horumarka bulshada iyo kaabeyaasha lagama maarmaanka u ah horumarka dhaqaalaha.
Safiirka Dawladda Taiwan waxa uu adkeeyey in Dawladdiisu ay sii xoojin doonto taageerada mashaariicda waxtarka u leh bulshada Somaliland, iskaashiga iyo wada shaqaynta u dhexeeya labada dal iyo labada shacab.




















