Xukuumadda oo Dardar-gelinaysa Mashaariicda Horumarrineed ee laga Fulinayo Gobolka Sanaag

0
15

Ceel-afwayn oo laga Hirgelinayo Mashruuca Biyaha Macaan iyo Mashaariico kale

Siddeed Mashruuc oo lagu Horumarinayo Nolosha Bulshada oo xukuumadu ka fulinayso Sanaag

Ceerigaabo (Dawan) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Gobolka Sanaag ka bilawday hirgelinta mashaariic horumarineed oo wax lagaga qabanayo baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada, iyadoo Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland ay gobolka ka bilawdasy mashaariic horumarineed oo tiradoodu dhan tahay siddeed mashruuc, kuwaas oo shan ka mid ah wax lagaga qabanayo baahiyaha dhinaca biyaha ah.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland, Maxamed Cabdimaalik Axmed, oo gaadhay Degmada Ceel-afwayn, ayaa halkaasi kaga dhawaaqay daahfurka Mashruuca Biyaha Macaan ee Deegaanka Ilaad, kaas oo loogu talagalay in bulshada deegaanka lagu gaadhsiiyo biyo nadiif ah oo la isku hallayn karo. Mashruuca Ilaad ayaa qayb ka ah siddeed mashruuc oo Wasaaraddu ka waddo Ceel-afwayn, ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa wax ka qabashada biyo la’aanta, oo muddo dheer ka mid ahayd caqabadaha ugu waaweyn ee haysta bulshada deegaanka.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddu dadaal badan gelisay sidii bulshada Ceel-afwayn loo gaadhsiin lahaa biyo ku filan, isaga oo xusay in hawlaha lagu xallinayo baahida biyaha deegaanka ay socdaan. Waxa uu yidhi “Ceel-afwayn dhibta ugu weyn ee ay qabtaa waa haraad. Siddeed mashruuc ayaanu wadnaa oo shan ka mid ahi biyo yihiin. Deegaanka Ilaad kaliya maaha; waxa naga go’an in aad biyo heshaan.”

Wasiirka ayaa sheegay in ay muddo lix bilood ah ku qaadatay Wasaaradda sidii biyo loogu soo gaadhsiin lahaa deegaanka Ceel-afwayn, isaga oo bulshada ugu baaqay inay si buuxda uga qaybqaataan hirgelinta mashruuca. Waxa uu sheegay in Wasaaraddu diyaar u tahay inay shaqada bilowdo, balse loo baahan yahay wada-shaqayn iyo garab istaag dhinaca bulshada ah.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland, Maxamed Cabdimaalik Axmed, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Lix bilood ayay igu qaadatay in Ceel-afwayn biyo loo helo.” Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu kala hadlay xaaladda biyaha ee Ceel-afwayn, isla markaana uu bulshada deegaanka u ballanqaaday in wax laga qaban doono baahida biyaha.

Maxamed Cabdimaalik Axmed ayaa bulshada Ceel-afwayn ugu baaqay inay la shaqeeyaan Wasaaradda iyo hay’adaha fulinaya mashaariicda, isagoo sheegay in horumarka adeegyada aasaasiga ahi u baahan yahay iskaashi dhex mara bulshada iyo hay’adaha dawladda. Waxa uu yidhi “Xukuumada waad doorateen, waana idiin mahadcelinaynaa, balse wixii aad noo doorateen ayaanu wadnaa. Naga guddooma oo nala shaqeeya. Habeen iyo maalin sidii Ceel-afwayn biyo u heli lahayd ayaa loo roorayaa.”

Mashruuca Biyaha Macaan ee Ilaad ayaa la filayaa inuu wax weyn ka tari doono baahida biyaha ee bulshada deegaanka, iyadoo biyuhu aanay muhiim u ahayn oo keliya cabitaanka iyo nolol maalmeedka dadka, balse ay sidoo kale laf-dhabar u yihiin caafimaadka, xoolaha iyo wax-soo-saarka. Wasiirka ayaa tilmaamay in haddii mashruucu hirgalo ay bulshada Ceel-afwayn heli doonaan biyo ay cabbaan, halka dadka doonaya inay wax beertana ay ka faa’iidaysan doonaan adeegga biyaha. Wasiirka oo arrintaas ka hadlayay ayaa yidhi “Reer Ceel-afwayneey, waad cabaysaan, kuwo aan wax ku beeratana waad helaysaan.”

Dhinaca kale Wasiirku intuu uu ku sugnaa Ceel-afwayn, waxa uu kulamo la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana lagaga wada hadlay baahiyaha biyaha, mashaariicda horumarineed iyo sidii loo sii xoojin lahaa adeegyada bulshada. Iyada oo hirgelinta Mashruuca Ilaad uu qayb ka noqonaysa qorshayaasha Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland ee lagu doonayo in bulshada Gobolka Sanaag lagu gaadhsiiyo adeegyo dhinaca biyaha ah wax ka tari kara baahiyaha nololeed, isla markaana gacan ka geysan kara horumarinta wax-soo-saarka iyo xasilloonida deegaanka.

Bulshada Ceel-afwayn ayaa soo dhawaysay Mashruuca Biyaha Macaan ee Ilaad, iyagoo sheegay in biyo la’aantu tahay mid ka mid ah baahiyaha ugu waaweyn ee deegaanka, isla markaana mashruucu muhiim u yahay nolosha dadka, xoolaha iyo horumarinta wax-soo-saarka degmada Ceel-af-weyn iyo guud ahaan gobolka Sanaag.