Hadalna meel dheer, dhagaxna meel dhaw.

0
176

Qore: Yaasiin Daahir Cumar

Waxaa hubaal oo aan hadal ka taagneyn in hoggaamintu iyo hugatusaaleyntu aanu hadal kasoo hadhin, hadii aanu hoggaanka Qaranku farta ugu fiiqin jihada uu la damacsan yahay Qarankiisa, waxaa hubaal ah in hoggaanka farta loogu fiiqi doono meel aan dantiisa iyo dawgiisaba ahayn oo aanu hoggaanku soo daba qaban kareyn oo aan tusaale iyo tudhaaleba lahayn, si kastaba ha noqotee, lahadalka shacabka waa lamahuraan, hadii hogganku wax u sheegi waayo shacabkiisa, cid kalaa wax u sheegi, kuwaasoo marinhabaabin doona shacabka waxaa hubaal ah inay dawladu wado shaqo wanaagsan oo qarsoodi ah,

laakiin ay lagama maarmaan tahay inay shacabkeeda wax ogeysiisa, kasoo laabtu ku qabowsan doonto, oo farta loogu fiiiqo hiigsiga iyo himiladda  qaranka, iyadoo lagu jiro wakhti kalaguur ah oo ay jirto tuhun badan oo keeni kara, kalashaki iyo   kalagurasho sabab u noqon karta, dib u socodnimo ragaadisa Qaranka, kolkaa masuuliyada ugu horeysa waxay ka saaran tahay Hoggaanka Qaranka inuu shacabkiisa u sameeyo hiigsi iyo halbeeg ay ku xasilaan, waayo waxaa isku sidkan xasiloonida iyo horumarka,

kolkaa ka maquurashada xal u helida daryeelka ummada waa arrin gurucan oo ay ciddi fahmi kareyn, sidaa awgeed in hogaamiyuhu  yeesho arrigti fog oo ka turjumeysa baahida shacabkiisu u qabo hadalkiisa iyo hadafkiisa si ay ugu kalsoonoodaan Qaranka iyo Masuuluyiintiisa, iyagoo goorwalba ka duulaaya hadba sida hadalka loogu dhigo oo ah farsamo lays dheer yahay oo lagu kala duwan yahay, taasoo ah dan iyo daw u banaan dawlada inay dadkeeda si hoose iyo si sareba u la hadasho