Dhisme 18 dabaq ah oo dhismihiisu weli socday ayaa ku dumay magaalada Nairobi, gaar ahaan waddada sagaalaad ee xaafadda Eastleigh, ee caasimadda Kenya, iyadoo laga cabsi qabo in dad dhowr ahi ku hoos jiraan burburka dhismaha. Dhacdadan ayaa ka dhacday meel u dhow xarunta ganacsiga ee Day to Day Supermarket, gaar ahaan 9th Street ee xaafadda Eastleigh, oo ka mid ah goobaha ganacsi ee ugu mashquulka badan Nairobi.
Dumista dhismaha ayaa sababtay in ganacsiyo badan oo ku yaalla waddadaasi ay si ku meel gaadh ah u hakadaan, iyadoo dadweyne tiro badan ay isugu soo baxeen goobta si ay ula socdaan xaaladda. Wararka hordhaca ah ayaa sheegayay in dhismaha oo weli shaqadiisu socotay uu gaadhay dabaqa 18-aad, isla markaana dabaqyada hoose ay ku yaalleen dukaamo iyo guryo kiro ah. Arrintan ayaa sii kordhisay walaaca laga qabo dadka laga yaabo inay ku jireen dhismaha markii uu dumayay.
Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa xaqiijisay in kooxaheeda gurmadka loo diray goobta si ay uga qayb qaataan hawlgallada samatabbixinta iyo qiimaynta xaaladda. Ciidamada Gurmadka iyo Ammaanka ayaa Gaadhay Goobta Ciidamada difaaca Kenya, booliska iyo kooxo kale oo gurmad degdeg ah ayaa gaadhay goobta, iyaga oo isku dubbaridayay hawlgallada gurmadka iyo sugidda ammaanka.
Dadweyne badan oo isugu soo baxay goobta ayaa muddo kooban caqabad ku noqday gelitaanka shaqaalaha gurmadka, taas oo keentay in boolisku adeegsado sunta dadka ka ilmaysiisa si loo kala eryo dadka goobta ku xoonsanaa, loona fududeeyo hawlaha samatabbixinta. Dhacdadan ayaa sidoo kale sababtay saxmad weyn oo gaadiid, taas oo saamaysay waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa xaafadda Eastleigh.
Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay dumista dhismaha. Sidoo kale, hay’adaha ay khusayso weli maanay faahfaahin in dhismuhu haystay oggolaanshaha sharci ee loo baahan yahay iyo in shaqadiisu waafaqsanayd xeerarka dhismaha ee Kenya. Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday warbaahinta The Star, Maamulka Gobolka Nairobi, Booliska Qaranka Kenya iyo Hay’adda Qaranka ee Dhismaha ayaa ilaa hadda laga sugayaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdada iyo tallaabooyinka la qaadayo.
Sidoo kale, The Starw waxay sheegtay in dumista dhismahani uu mar kale dhaliysay walaac ku saabsan badbaadada dhismayaasha dhaadheer ee laga dhisayo magaalada Nairobi, gaar ahaan kuwa ay weli ka socdaan hawlaha dhismaha iyadoo la adeegsanayo ama laga ganacsanayo qaybaha hoose.






















