Walaaca Laga Muujiyey Gargaarka Hawada Laga Daadinayo ee Qasa

0
350

Madaxda hay’adaha samafalka iyo xuquuqda aadanaha ayaa si weyn uga digay in la xoojiyo gargaar cirka laga daadinayo oo loo mariyo Marinka Qasa, iyaga oo ku tilmaamay tallaabadaasi mid qaali ah, khatar leh, isla markaana aan wax ku ool ahayn marka loo eego baahida bini’aadantinimo ee sii kordheysa ee ka jirta Qasa.

Ciarán Donnelly oo ka tirsan guddiga samatabbixinta caalamiga ah ayaa sheegay in gargaar hawada laga daadiyo aanu weligiis keeni karin mugga iyo tayada gargaar ee loo baahan yahay. Warbixino kale ayaa muujinaya in wax ka badan 160 duullimaad oo xamuul ah loo baahan yahay si hal cunto maalmeed loogu gaadhsiiyo dadka Qasa oo lagu qiyaaso 2.1 milyan.

Philippe Lazzarini, madaxa hay’adda UNRWA, ayaa sheegay in gargaarka cirka laga daadiyo uu noqon karo mid khatar ku ah nolosha dadka baahida daran qaba haddii uu si khaldan u dhaco.  Waxaa jira cabsi ah in sanduuqyada ay ku dhacaan teendhooyinka ama ay sababaan is jiid-jiid keena dhaawacyo.

Hay’adaha maxalliga ah waxay sheegeen in marar badan gargaarkii cirka laga keenay uu sababay fawdo, dadka oo isku dhacaya, dhaawacyo iyo xaalado aan la maamuli karin. Waxaa la diiwaan geliyey in dadku ku hafteen badda Mediterranean-ka iyaga oo isku dayaya in ay soo qabsadaan raashin dabayluhu u leexiyeen dhinaca badda.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in gargaarka dhulka lagu geeyo uu yahay mid ammaan badan, kana dhaqaale yar ka hawada laga soo daadiyo, kaas oo ah mid sahlan oo si sharaf leh ku gaadhaya shacabka. Waxaa la sheegay in 6,000 oo baabuur oo sida gargaar ay ku xayiran yihiin xadka Urdun iyo Masar, kuwaas oo sugaya oggolaansho si ay u galaan Qasa.

Hay’adaha samafalka waxay ku baaqeen in la joojiyo go’doominta Qasa iyo in la furo waddooyinka gargaarka. Inkasta oo Israa’iil ay sheegtay in aanay jirin wax xannibaad ah, Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay in Israa’iil ay caqabad ku tahay gelitaanka gargaarka iyadoo la adeegsanayo xayiraado iyo shuruudo adag.

Wasaaradda Caafimaadka Qasa ayaa sheegtay in 127 qof ay u dhinteen nafaqo-darro tan iyo intii uu dagaalku billowday, 85 ka mid ahna ay yihiin carruur. Hay’adda WFP waxay ku tilmaantay xaaladdan macaluul baahsan oo bini’aadam sameey ah, iyadoo saddexdii qof ee reer Qasa ah mid ka mid ahi aanu wax cunin maalmo badan.

Inkastoo gargaarka hawada laga daadinayo uu yahay tallaabo muuqaal siyaasadeed leh oo ay qaadayaan dalal badan, sida UK, Imaaraadka iyo Urdun, haddana hay’adaha gargaarka ayaa si adag u muujiyey in aan tallaabadaasi lagu xallin karin baahida bini’aadantinimo ee qotoda dheer ee ka jirta Qasa. Waxaa lagama maarmaan ah rabitaan siyaasadeed oo horseeda in waddooyinka dhulka loo furo gargaarka si nabad ah, sharaf leh, oo wax ku ool ah.