Trump oo Xabbad-joojin ugu Baaqay Thailand iyo Cambodia

0
364

Donald Trump, madaxweynaha dalka Mareykanka, ayaa Sabtidii qaaday tallaabo diblomaasiyadeed oo si weyn looga hadlay kadib markii uu si toos ah khadka telefoonka ugala xidhiidhay madaxda dalalka Thailand iyo Cambodia, kuwaas oo dagaal ku dhexmaray xadka ay wadaagaan.

Trump ayaa ku qoray bartiisa Truth Social in labada dalba ay ku heshiiyeen in ay si degdeg ah u kulmaan, isla markaana ay ka shaqeeyaan xabbad-joojin iyo nabad waarta. Cambodia ayaa si cad u aqbashay codsiga Trump ee xabbad-joojinta, halka Thailand ay sheegtay in ay diyaar u tahay wada-hadal balse ay rabto in marka hore la arko daacadnimo ka timaadda dhanka Cambodia.

Ra’iisul Wasaaraha Cambodia, Hun Manet, ayaa sheegay in dalkiisu oggolaaday xabbad-joojin degdeg ah oo aan shuruud lahayn. Dhinaca kale, ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Thailand, Phumtham Wechayachai, ayaa uga mahadceliyay Trump dadaalkiisa balse waxa uu hoosta ka xarriiqay in Thailand ay doonayso in Cambodia muujiso ujeedo daacad ah.

Inkasta oo labada dhinac ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen faragelinta Trump, haddana dagaalka ayaa weli sii socda, waxaana xuduudda laga maqlayaa madaafiic. Ugu yaraan 33 qof ayaa ku dhintay dagaalka, halka kumannaan kalena ay barakaceen.

Trump waxa uu sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in la cusboonaysiiyo wada-hadalladii ganacsiga ee u dhaxeeyay Mareykanka iyo labada dal, inkasta oo uu caddeeyay in taas aan laga shaqeyn karin ilaa nabad la helo. Waxa uu sidoo kale farageliyay arrimaha canshuuraha Mareykanka ee Cambodia iyo Thailand oo la filayo in la dhaqan geliyo 1-da August haddii aan heshiis la gaadhin.

Khilaafka u dhexeeya Thailand iyo Cambodia waxa uu salka ku hayaa muran dhanka xuduudda ah oo soo jiitamayay in ka badan qarni, iyadoo labada dalba midba midka kale ku eedeeyay in uu dagaalka bilaabay. Cambodia waxay sheegtay in Thailand ay jebisay heshiis hore, halka Thailand ay ku eedaysay Cambodia in ay isticmaashay diyaarado aan duuliye lahayn si ay u basaasto.

Diblomaasiyaddan Trump ayaa timid iyadoo uu booqasho gaar ah ku joogo goobta golf-ka ee uu leeyahay ee Turnberry, Scotland, halkaas oo uu sidoo kale kaga dhawaaqay inuu doonayo in uu horseedo nabad rasmi ah oo u dhexeysa labada wadan.