Qore Khadar M. Dhako
Hargeysa (Dawan) – Socdaalka Wasiirka Ciyaaraha ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Xasan Maxamed Kaamil, uu ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa si qurux badan u muujinaya xidhiidhka soo kobcaya ee u dhaxeeya Somaliland iyo dalka Jabuuti, gaar ahaan dhinaca dhalinyarada iyo ciyaaraha. Wasiir ku xigeenka Wasaarada Ciyaaraha Yuusuf Nuux Tadhase iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Cabdillaahi Maxamed Maxamuud (Jiidhe) ayaa si rasmi ah ugu soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland, halkaas oo ay labada dhinac ku wada qaateen kulan muhiim ah.
Kulankan waxa uu muujinayaa sida is-faham iyo is-kaashi u dhaxeeya labada Wasaaradood ee labada dal uu u yahay mid sii xoogeysanaya, iyada oo labada dhinac ay ka wadahadleen sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda ciyaaraha ee wadajirka ah, korna loogu qaadi lahaa fursadaha ciyaartooyda iyo dhalinyarada labada dhinac.
Qodobka mudan in si gaar ah loo xuso ayaa ah in socdaalku uu ahaa mid shakhsiya, taas oo muujinaysa kalsoonida iyo furfurnaanta u dhaxaysa labada dal. Sida uu Wasiir ku-xigeenku sheegay, waxa socdaalkani ku soo beegmay xilli wanaagsan oo wada-shaqayn buuxda ay ka dhex jirto Wasaaradaha ciyaaraha ee Somaliland iyo Jabuuti. Waxaana lagu wadaa in ay dhici doonaan kulammo rasmi ah oo labada dhinac ka yeeshaan xoojinta iskaashiga.
Intaa waxaa dheer, in ciyaartoygii hore ee caan ka ahaa Geeska Afrika, Muuse Qudhaanjo, uu wehelinayay wasiirka Jabuuti waxay sare u qaadaysaa muhiimadda socdaalka, maadaama ay ku ladhan tahay xasuusta iyo dhaxalka ciyaareed ee labada bulsho wadaagaan.
Jamhuuriyadda Jabuuti oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay si wada jir ah labada dalka ugu macaamilayeen si ay ku dheehan tahay walaalnimo, waxay taasi caddeyn u yihiin sida siyaasadda, dhaqanka iyo ciyaaruhu u noqon karaan dariiq kale oo aqoonsi iyo ixtiraam lagu kasbado.
“Waxa maanta (shalay) xarunta Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha nagu soo booqday oo aanu ku qaabilnay Wasiirka Ciyaaraha dalka Djibouti, Md. Xasan Maxamed Kaamil, iyo ciyaartoygii caanka ahaa ee Muuse Qudhaanjo,” ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Mudane Yuusuf Nuux Tadhase
Wasiir Yuusuf Nuux Tadhase waxa uu intaasi raaciyay “Qaabilaadda Wasiirka Ciyaaraha ee Djibouti waxaa igu wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, waxaana booqashadda Wasiirku ku soo beegmaysaa wakhti ay wada-shaqeyn iyo xidhiidh fiican ka dhaxeeyo labada Wasaaradood ee Somaliland iyo Djibouti.”
“Wasiirka Ciyaaraha dalka Djibouti oo safar shakhsiya ku yimid Somaliland, ayaan leenahay ku soo dhawoow Somaliland iyo caasimaddaba. Muddada uu joogana waxaanu ka Wasaarad ahaan wada yeelan doonaa kulamo muhiim ah oo aanu ku sii xoojin doono wada-shaqeynta wanaagsan ee aanu wada leenahay” ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Mudane Yuusuf Nuux Tadhase.






















