Diwaangelinta Ciidamada JSL: Tallaabo Istaraatiijiyadeed oo Lagu Xoojinayo Hufnaanta iyo Ammaanka Qaranka

0
136

Qore: Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo istiraatiiji ah oo muhiimad weyn u leh tayaynta iyo hufnaanta ciidamada qalabka sida, iyada oo si rasmi ah u bilowday diwaangelinta dhammaan ciidamada qaranka, tallaabadaas oo ah mid lagu xaqiijinayo tirada dhabta ah ee ciidanka, si loogu saleeyo tayaynta, qalabaynta iyo mushar kordhinta ciidamada Somaliland, isla markaana lagu cidhib-tirayo musuqmaasuqa si kor loogu qaado caddaalada iyo sinnaanta ciidanka gudihiisa.

Diwaangelintan oo lagu fulinayo iyadoo la adeegsanayo nidaamka casriga ah ee bu’da isha (biometric IRIS scan,) kaas oo si sax ah u suuro-gelinaya in la helo diwaan dhab ah oo casri ah oo ku saabsan ciidamada. Nidaamkani waxa uu meesha ka saarayaa wax-is-daba-marin iyo ciidan aan jirin, isaga oo suurtagelinaya in xukuumaddu ay si hufan oo toos ah u maareyso mushaharka, xuquuqda, iyo horumarinta xirfadeed ee ciidamada.

Waxaa barnaamijkan oo ay bulshadu aad u soo dhawaysay lagu ladhay kordhin mushahar oo dhan 250%, taasoo muujinaysa in diwaangelintu aanay ahayn kaliya hawl tiro-koob, balse ay tahay tallaabo siyaasadeed iyo amniyeed oo lagu dhisayo kalsoonida, daacadnimada iyo kartida ciidanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa hore u ballanqaaday arrintan xiligii ololaha lagu jiray, isaga oo si cad u muujiyey in ay ka go’an tahay la dagaalanka wax-is-daba-marinta, isla markaana xukuumaddiisu xoogga saarayo tayeynta hay’adaha amniga. Iyada oo siyaasadaha iyo qorshayaasha horumarineed ee arrin kasta gaar ahaan amnigu uu ka bilaabmayo in la helo xog iyo xisaabtan sax ah.

Taliyaha Ciidanka Dabdemiska iyo Samata-bixinta Somaliland, Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), ayaa 25-kii bishan July 25, 2025 si rasmi ah u daah-furay diwaangelinta Ciidanka Dabdemiska, kuwaas oo ah ciidankii ugu dambeeyay ee mara diwaangelintan. Taliyaha ayaa ku amaanay Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), inuu ku dhiirraday in ciidanka dalka lagu sameeyo tirokoob rasmi ah oo salka ku haya maamulka casriga ah ee dawladda.

Taliyaha wuxuu sidoo kale bogaadiyay Guddida Guud ee Diiwaangelinta, Guddida Farsamada, Injineerada iyo dhammaan hawlwadeenada ka qeyb qaatay hawshan, isagoo tilmaamay in ay tahay tallaabo togan oo loo qaaday dhanka horumarka, maamulka, iyo xisaabtanka ciidanka qaranka. Diwaangelinta waxa hadda maraysa gebogabadeeda, iyadoo si habsami ah uga socota gobollada iyo degmooyinka dalka. Waxaa la filayaa in marka la dhameeyo, in ciidanka Somaliland noqdo ciidan ay sugan tahay xogtiisa iyo tiradiisuba, la qiimeeyo baahiyihiisa, loona maareeyo si hufan.

Tani waa tusaale cad oo muujinaya in Somaliland si xeel dheer u gashay horumarinta dawladnimo casri ah, iyadoo dhismaha amnigeedu yahay mid ku dhisan xog, isla xisaabtan, iyo hufnaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, oo isagu si rasmi ah u daahfuray bilawga diwaangelintan ayaa si qoto dheer uga hadlay munaasabadda taariikhiga ah ee daahfurka Diwaangelinta Casriga ah. Madaxweynaha ayaa muujiyey farxad, dhiirigelin, iyo dareen masuuliyadeed oo qoto dheer, isaga oo tilmaamay in mashruucani uu yahay tallaabada ugu horreysa ee lagu gaadhayo dib-u-habaynta, casriyeynta, iyo xaq-siinta ciidanka qaranka, taaso o saldhig u noqonaysa amniga, midnimada, iyo horumarka qaranka.

Mudane Cirro waxa uu si qoto dheer u xusay in ciidamada qaranku yihiin haybadda iyo udub dhexaadka amniga, xasiloonida, iyo ilaalinta madax-bannaanida Somaliland, kuwaas oo ah geesiyaal difaacaya xuduudaha dalka, badbaadada muwaadiniinta, iyo danaha guud ee qaranka. Waxa uu Madaxweynaha si cad u yidhi:
“Ciidamada qaranka waa hay’ad dastuur ahaan u igman difaaca dhulka, badda, cirka iyo guud ahaan danaha qaranka, iyaga oo ah gaashaanka aan marnaba hoos loo dhigin.”

Guud ahaan, hadalka Madaxweynaha iyo daahfurka mashruuca diwaangelinta casriga ah waxay calaamad u yihiin himilada fog ee xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad, oo ah xaqiijinta amniga, hufnaanta maamulka, iyo tayaynta ciidamada qaranka, taas oo qayb ka ah dhismaha Somaliland ee dawladnimo hufan, iska markaana ku naaloota nabad waarta, iyo horumar aan la joojin karin.

Guntii iyo gunaanadkii, diwaangelinta ciidamada Somaliland waa tallaabo istiraatiiji ah oo muujinaysa sida Somaliland si xeel dheer ugu tala gashay horumarinta dawladnimo casri ah iyo xoojinta amniga. Waxaa ay ka tarjumaysaa dadaalka xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee ku aaddan xaqiijinta amniga, hufnaanta, iyo tayaynta ciidamada qaranka, taas oo saldhig u ah nabad waarta, horumar iyo kalsooni bulsho.