Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dardargelisay horumarinta iyo tayaynta adeegyada caafimaadka ee dalka
Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si cad u muujisay in horumarinta caafimaadka bulshada yahay mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee siyaasadda Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, taas oo ku saleysan waxqabad, sinnaan iyo wadajir. Xukuumaddu waxa ay mudnaan gaar ah siisay ballaadhinta iyo tayeynta adeegyada caafimaadka ee dalka oo dhan, iyada oo si firfircoon u dardargelisay dib-u-habaynta, cusboonaysiinta, iyo dhismayaasha xarumo cusub oo caafimaad, gaar ahaan meelaha baahidu ka jirto.
Sidoo kale, xukuumaddu waxay xooga saartay xoojinta nidaamka kormeerka iyo la-socodka xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay, iyada oo si weyn loo hubinayo in ay buuxiyeen shuruudaha iyo halbeega looga baahan yahay iyo ruqsadaha sharci ee dhakaatiirta ka hawl-gala xarumahaas, si loo xaqiijiyo tayada adeegyada la bixiyo, loona ilaaliyo badbaadada iyo xuquuqda bukaanka. Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah himilada xukuumadda ee ah in la helo bulsho caafimaad qabta oo si siman u heli karta adeeg caafimaad oo tayo leh.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku tallaabsatay dadaallo muuqda oo kor loogu qaadayo tayada iyo helitaanka adeegyada caafimaad ee bulshada, gaar ahaan kuwa nugul ee ku nool deegaannada miyiga iyo xaafadaha ay danyartu ku badan yihiin.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Marwo Samsam Maxamed Saalax, iyo gaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac oo hormuud u ah dadaalladan, ayaa si firfircoon uga qayb qaadanaya kormeerro, daah-furidda xarumo iyo adeegyo caafimaad iyo sahay caafimaad oo la gaadhsiiyay guud ahaan gobollada dalka. Sida laga dheehan karo wararka iyo warbixinaha ka soo baxay Wasaaradda, waxaa muuqata in istaraatijiyad cad loo dejiyey ballaadhinta iyo tayeynta xarumaha caafimaadka.
Daah-furka adeegyo caafimaad oo bilaash ah oo laga hirgeliyey Cisbitaalka Daryeel ee magaalada Hargeysa ayaa tusaale u ah sida Wasaaraddu ugu heelan tahay in ay gaadhsiiso daryeel caafimaad oo tayo leh hooyooyinka, dhallaanka, dadka da’da ah iyo bulshada danyarta ah. Sidoo kale, agabyo caafimaad oo loogu talo galay xakamaynta caabuqyada ayaa si rasmi ah loogu wareejiyey Cisbitaalka Hargeysa, taasoo muujinaysa muhiimadda la siinayo nadaafadda iyo badqabka bukaanada.
Dhanka kale, la-hawlgalka hay’adaha caalamiga ah sida King’s Global Health Partnerships, Save the Children, Amoud Foundation, Medacross, iyo FCDO waxa ay muujinayaan kartida Wasaaraddu u leedahay dhisidda xidhiidh wax-ku-ool ah oo keeni kara maalgelin iyo khibrad lagu horumarinayo nidaamka caafimaadka ee Somaliland.
Si la mid ah, mashruucyada lagu horumarinayo adeegyada caafimaad ee gobolka Awdal, Daadmadheedh, Togdheer iyo Sanaag, oo ay ka mid yihiin dhagax-dhigga waadhadh cusub, kormeerro lagu qiimeynayo adeegyada, agab gaadhsiin, iyo la-tashi joogto ah oo lala sameeyo hay’adaha, ayaa ah tallaabooyin muujinaya ujeeddada Wasaaradda ee ah in la helo adeeg caafimaad oo siman, laga bilaabo magaalo illaa tuulo.
Waxaa xusid mudan in la bilaabay mashruucyo muhiim ah sida GAVI oo lagu taageerayo 80 xarumood caafimaad oo dalka ku yaal, iyo Mashruuca National Quality Improvement Programme (NQIP), oo diiradda saaraya tayeynta adeegyada caafimaad. Sidoo kale, ololaha qaran ee talaalka dabaysha ayaa muujinaya muhiimadda la siinayo ka hortagga cudurrada dilaaga ah ee caruurta.
Dhammaan tallaabooyinkan waxay muujinayaan in Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ay si dhab ah uga go’an tahay in ay gaadhsiiso adeegyo caafimaad oo tayo leh shacabka Somaliland. Waxaa la odhan karaa Wasaaraddu waxay si muuqata uga gudubtay marxaladdii qorsheynta iyada oo gudubtay hirgelin muuqata oo la taaban karo. Waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland waxaa ka mid ah:
Ballaadhinta Kaabayaasha iyo Adeegyada Caafimaadka
Wasaaraddu waxay maalgelin ballaadhan ku samaysay xarumaha caafimaadka, sida Isbitaallada, xarumaha hooyada iyo dhallaanka iyo rugaha caafimaad ee gobolada iyo degmooyinka dalka, kuwaas oo loo qorsheeyay in ay bulshada u fidiyaan adeegyada muhiimka ah, iyada oo qaar ka mid ah xarumataas loogu deeqay qalab iyo Ambalaasyo cusub si ay kaalin uga qaataan badbaadada degdega ah ee bukaannada. Sidoo kale, wasaaraddu waxay ka shaqeysay dayactirka iyo dhismaha rugaha caafimaadka ee miyiga iyo kaabayaal kale oo loogu talagalay adeegyada dhalmada iyo dhallaanka.
Wasiirka oo mar ka hadlayay arrimahan ayaa sheegay in wasaaraddu ay xoojinayso qorshayaasha kor loogu qaadayo tayada adeegyada xarumaha caafimaad, waxaanu yidhi “Waxaa naga go’an sii wadista kor u qaadista xarumaha caafimaadka iyo tababarka shaqaalaha caafimaadka heer gobol iyo degmo”, si ay hooyooyinka uurka leh iyo carruurta ay u helaan daryeel caafimaad oo wanaagsan.”
Ololaha Tallaalka Qaran ee Carruurta:
Olole tallaal oo qaran ayaa gaadhey caruur badan. Ololihii dhawaan soo dhamaaday ayaa gaadhey 83% carruurta da’doodu ka yar tahay shan sanno, kuwaasi oo ka faa’iidaystay olahan oo la talaalay. Kuwaasi oo ay ku jiraan carruur aan weligood helin tallaal hore.
Barnaamijyada Ka-hortagga Cudurrada:
Barnaamijyada TB-da iyo cudurrada kale ee faafa ayaa la xoojiyay si loo gaadho himilooyinka qaran. Iyada oo warbixintii ugu dambaysay ee WHO ay sheegtay in cudurka TB-du uu hoos u dhacay iyada oo wasaaraddu gaadhay heer daaweyn guul ah oo 87% ah. Somaliland waxay sii wadaysaa barnaamijka dhammaadka TB iyada oo la tacaalaysa ogaanshaha iyo daaweynta. Sidoo kale, wasaaraddu waxay ku biirtay Shabakadda NCDI Poverty Network ee caalamiga ah, oo ka kooban in ka badan 27 dal, taasoo astaan u ah dadaalka lagu wajaho cudurrada raaga sida macaanka, dhiig-karka iyo kansarka.
Tayada Adeegyada iyo Iskaashiga Caalamiga:
Barnaamij qaran oo magaciisa la ydhaahdo NQIP (National Quality Improvement Programme) ayaa ka mid ah barnaamijyada ay wasaaraddu hagayso ee hadda shaqaynaya, kaas oo taageero ka helaya hay’ado caalami ah. Tusaale ahaan, Wasaaradda iyo King’s Global Health Partnerships (KGHP) oo maalgelin ka heshay Qatar Charity ayaa gacanta ku haya mashruucan oo lagu horumarinayo tayada adeegyada caafimaadka ee isbitaallada gobollada. Wasaaradda Caafimaadka oo kaashanaysa Hay’adaha sida WHO, UNICEF, Save the Children iyo kuwa kale ayaa sii xoojisay tababarada xirfadlayaasha, xakameynta caabuqyada, iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka bulshada.
Barnaamijyada Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka
Wasaaradda ayaa si gaar ah diiradda u saartay caafimaadka hooyada iyo dhallaanka. Waxaa bilaabmay ololeyaal caafimaad oo bilaash ah oo bixiya baadhitaanno iyo daaweyn loogu talagalay hooyooyinka uurka leh, dhallaanka, iyo bulshada nugul. Tusaale ahaan, barnaamij todobaad ah oo bilaash ah ayaa laga furey Isbitaalka Daryeel ee Hargeysa, laguna taageeray hooyooyinka, dhallaanka, iyo dadka waayeelka ah ee xaafadaha Daami, Kililka, iyo Naaso Hablood. Iyada oo dawooyin iyo qalab caafimaad oo la geeyay xarumahaas, iyagoo xoojinaya ballanqaadkooda ku saabsan bixinta adeeg caafimaad oo tayo leh dhammaan bulshada.
Intaa waxaa dheer, wasaaraddu waxay xoojisay xidhiidhka hay’adaha deeqaha bixiya iyo NGO-yada si loo helo agab iyo khibrad farsamo oo dheeri ah. Dhowaan, shirar heer sare ah oo lala yeeshay Safaaradda UK iyo FCDO ayaa lagu heshiiyay in lacag iyo tababar dheeraad ah lagu taageero caafimaadka Somaliland. Iskaashiyadan caalamiga ah ee la qorsheeyey iyo kuwa socda ayaa ka qayb qaadanaya dhisida awoodda maxaliga ah iyo helidda agabka lagama maarmaanka u ah dhinacyada tababarka, xakamaynta caabuqa iyo jawaabta xaaladaha deg-degga ah.
Guud ahaan, wararkii ugu dambeeyey oo wargeyska Dawan si dhaw ula socday ayaa muujinaya horumar la taaban karo oo ka socda wasaaradda caafimaadka Somaliland. Kordhinta kaabayaasha, heerarka sare ee talaalka carruurta, iyo ballanqaadyada caalamiga ah waxay iftiiminayaan nidaam caafimaad oo sii xoogeysanaya.
Gabagabo:
Dadaallada Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka waxay caddeynayaan hoggaan mas’uuliyadeed iyo istiraatiijiyad fog, taas oo bulshada Somaliland siinaysa rejo cusub iyo adeegyo caafimaad oo tayo leh, kuwaas oo si dhab ah uga jawaabaya baahiyaha dhabta ah ee dalka. Taasi waa guul qaran oo mudan in si wadajir ah loo bogaadiyo.






















