Wasaaradda Beeraha Oo Beenisay In Wasiir Geedoolle Ku Dhaawacmay Mudaharaadkii Gabiley

0
418

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa beenisay in Wasiirka wasaaradaasi Faarax Cilmi Geedoolle ay waxyeello ka soo gaadhay mudaharaadkii Gabiley ka dhacay Shalay, mar uu ku safrayay jidkaasi isagoo u sii jeeday magaaladda Boorame. Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal uu xalay na soo gaadhsiiyay Afhayeenka Wasaaradda Beeraha Sacad Muuse Cabdi, waxaanu beeniyay war aanay waxba ka jirin oo lagu baahiyay mareegaha Internet-ka oo sheegayay in Wasiirka lagu dhaawacmay mudaharaadkii Gabiley.
Qoraalka Afhayeenka wasaaradda Beeruhu waxa uu u dhignaa sidan:- “Warbaahinta Qaarkood ayaa waxa ay baahiyeen in Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole, in mudaharaadka Gabiley dad gadoodsani ku gacan saareen oo uu ku waxyeeloobay, arrintaasina waa waxba kama jiraan. Ma jirto wax dhibaato ah oo soo gaadhay Wasiirku sida uu ii xaqiijiyey, waxaanu socdaalkoodu ku sii jeeday dhanka Boorame, iyada oo socdaalkoodu ku beegmay xilli mudaharaadku socday, ujeedada socdaalkooduna ma ahayn dhanka Gabiley sida warbaahinta qaarkood tibaaxeen.Gaadhiga uu Wasiirku la socday dhibaato badan oo soo gaadhay ma jirto, si nabad ah ayaanay Weftiga Wasiirku ku gaadheen magaalada Boorame oo socdaalkoodu ku jihaysnaa.”
 

Leave a Reply