“Waa inay Mulkiileyaasha dhulka degmada Maxamed Mooge ay Cashuurta si deg-deg ah u soo bixiyaan”

0
559

Hargeaysa-(Dawan)- Xoghayaha degmada Maxamed Mooge Xasan Maxamed Cabdilaahi, ayaa dadweynaha degmadaas ku wargeliyay inay si degdeg oo wadaninimo leh isaga soo bixiyaan cashuuraha kala duwan ee ku waajibay, isagoo si gaar ah digniin ugu diray dadka iska leh dhulka bannaan ee seeska iyo dayrarka ay ka dhisan yihiin ee ku yaalla degmada. Xoghayaha oo ka xog-waramay dadka caaadaystay in anay bixin cashuuraha ku waajibay, waxa kale oo uu ka hadlay waxqabadka maamulka degmada iyagoo kaashanaya guddiga fullinta ee dawlada hoose ee Hargeysa oo u horeeyo Maayarka, Maayar xigeenka, Xoghayaha fullinta iyo xildhibaanada golaha deegaanka.
Xoghayaha Degmada Maxamed Mooge, waxa kale oo uu ka hadlay, faah-faahina ka bixiyay faa’iddada wax ku oolka ah ee ay diiwaangelinta madaniga ahi u leedahay qaranka, iyo waxqabadka guddiga fulinta ee dawlada hoose ee Hargeysa.
Ugu horeyn, xoghayaha oo dhawaan xafiiskiisa ugu waramayay warfidiyeenada, waxa uu hadalkiisii ku bilaabay oo uu yidhi, “Degmadda Maxamed Mooge, waa degmo baaxad ahaan aad u ballaadhan, waxaanay dhacdaa cidhifka koonfur bari ee magaalada Hargeysa, dhinac waxay jaar kala tahay degmooyinka Maxamuuud Haybe, Gacan-Libaax, iyo Macallin Haaruun, iyo weliba deegaamadda Maygaagaha iyo Uubaale, degmadan Maxamed Mooge waxay ka mid tahay degmooyinkii cusbaa ee magaalada Hargeysa, runtiina waa degmo ballaadhan dhinac walba, waxaanay degmadu ku socotaa xawli dhinac walba, waxaanu aad iyo aad ugu dedaalnaa maadaama ay uu dhulka degmadani yahay degsiimooyinkii cusbaa ee dawladda hoose ee Hargeysa, ay u samaysay waddooyin cusub oo aad u wanaagsan oo aad u muhiim ah inaanu anaguna maamul degmo ahaan aanu markasta dedaalkayaga iyo awooddayadaba isugu geynaa sidii aanu u illaalin lahayn si aanay dadku waddooyinku u soo gelin oo aanay u dhisan, si aanay waddooyinku cidhiidhi u noqon oo aan looga leexan qorshaha guud ee ay dawladda hoose u dejisay, maadaama uu dhulka degmadani uu noqon doono dhulka caasimadda Hargeysi ay ku fidi doonto, dhibta ugu badanna waxay naga haysataa illaalinta dhulka waddooyinka ah, maadaama aanay dadkii garanayn waxtarka illaalinta wadooyinka.”
Xoghayaha oo ka hadlaya cashuur bixinta dhulka la seesto ama la deyrto ee ku yaala degmada Maxamed Mooge. iyo waxqadka iyo wada shaqaynta ka dhaxeysa maamulka degmada iyo guddiga fullinta ee dawlada hoose ee Hargeysa, waxa u yidhi ”Dhulka degmadda waxa ku badan dhul ballaadhan oo laga dhisay seesas oo ay leeyihiin dad muwaadiniin ah, balse dadka dhulkaas leh intooda cashuurta iska bixisa aad baan ugu mahadnaqayaa, balse, waxa jira dad aad u badan oo caadeystay in aanay cashuurta dhulka iska bixin, waxaana jira dad badan oo dhulkaa seesan sidii adhiga ahminka oo kale u iibsada ka dibna sii iibiya si ay macaash uga helaan, lagana yaabo in dhulkaasi aanu markiisa horeba sharci lahayn, sidaa awgeed, waxaan halkan aad ugu mahad-celinayaa dedaalada iyo waxqabadka muuqda dhinac walba ee ay ku tallabsadeen maamulka dawlada hoose ee Hargeysa , guddiga fullinta, oo ay hormood u yihiin maayarka caasimadda, maayar ku-xigeenka, xoghayaha fullinta ee dawlada hoose, xildhibaanada golaha deegaanka, agaasimayaasha, gudoomiyeyaasha iyo xoghayayaasha degmooyinka, guddiga fulinta ee dawlada hoose ee Hargeysa, waa masuuliyiin aad u firfircoon, oo si daacad ah oo waddaniyad iyo karti dheeraad ah leh u shaqaynaya oo had iyo jeer u heelan inay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo sharciga jebinaysa, waxaana sida qorshuhu yahay dhawaan tallaabo sharciga waafaqsan lagu qaadi doonaa oo ollole balladhan lagu qaadi doonaa sidii wax looga qaban lahaa dhulkaa ama ha seesnaado ama deyr ha lahaado, sidaa daraadeed, waxa aan ku war-gelinayaa dhammaan dadka iska leh dhulkaa seesan ama deyran ee ku yaala degmada Maxamed Mooge, ee caadaystay in aanay cashuurta bixin in ay si degdeg ah isaga soo bixiyaan cashuurta ku waajibtay ee ardiyadda dhulka bannaan iyo guryahaba, maadaama aynu ka wada dharagsanahay waxtarka baaxada leh ee ay bixinta cashuurtu u leedahay dhismaha horumarka dalka iyo dadka. Sidaa awgeed, waxa qorshaha ku jirta mashaariic badan oo horumarineed oo lagu dhisayo kaabayaasha baahiyaha aasaasiga ah ee kala duwan oo laga hirgelin doono degmada, waxaanay fulintooda soo dedajin kara hadba sida ay dadka muwaadiniinta ah ee cashuur bixiyaaysha degmada iyo ganacsatadu ay isaga xil saaraan bixinta cashuuraha ku waajibay, waxaanu ku baraarujinaynaa in ay cashuurta bixiyaan. Dhulka degmada Maxamed Mooge inta dhisan iyo inta bannaan waxa badan dhulka bannaan, waxaana dadka dhulkaa leh u badan qurbo-joog iyo ganacsato. Sidaas oo ay tahay inkasta oo aan xilka ku cusubahay oo aan hayay muddo bil ah, haddana waxa aanu xoojinay wax kasta oo suurtagalniya xoojinta wadashaqaynta ka dhaxaysa dadka degmada iyo dawladda. Waxa kale oo aanu ku dedaalnay oo maayarku sheegay in go’aan wax lagaga qabanayo arrintan la soo saari doono si loo xakameeyo dhibaatada ay keenaan dadka mukhalasiinta ah ee dhulka ee u dhaxeeya dadka iyo dawladda, haddaanu nahay maamulka degmada waxaanu halkan uga mahad celinaynaa dadka iyo ganacsatada degmada ee wada shaqaynta fiicani naga dhaxayso ee had iyo jeer nagu gacan siiya fulinta hawlaha degmada iyo cashuur bixinta, inta kalena waxa aanu leenahay ku dayda oo nala shaqeeya. soona bixiya cashuuraha si loo hirgeliyo dhismaha kaabayaasha nolosha ee degmada.”.
Xoghayuhu waxa uu sidoo kale ka hadlay diiwaamgelinta madiniga ah ee ay xukuumaddu wado, waxaanu yidhi, ”Waxaanu aad u soo dhawaynaynaa diiwaangelinta madaniga ah ee ay xukuumaddu wado, waana mid faa’iido u leh qaranka, maxaa yeelay waxa wanaagsan qofka codaynayaa inuu haysto kaadhka cadaynaya muwaadinimada qofka, waxaana aad u muhiim ah inaynu soo dhawayno. xisbiyada mucaaradkana waxaan u soo jeedin lahaa inay aqbalaan diiwaangelintaa oo ay iska daayaan nashuushadaynta.”

Leave a Reply