Hanjabaada Daacish iyo Reer Galbeedka

0
406

Afhayeen u hadlay kooxda Daacish ayaa markii ugu horreysay hadlay tan iyo markii ay Maraykanka iyo Faransiiska bilaabeen duqeynta fadhiisimada Daacish ee dalka Ciraaq.
Afhayeenka oo la yidhaa Abu Maxamed Al-Cadnaani, waxaa uu ku hanjabay inay weerarayaan muwaadiniinta waddammada Maraykanka kula jira isbahaysiga ka dhanka ah Daacish.
Dhinaca kale, ciidamada Kurdishka ee difaacaya magaalada Kobani ee u dhow xuduudda Turkiga ayaa sheegay in kooxda Daacish ay isticmaalayaan gantaalaha meesha fog gaadha.
Taliye ku xigeenka ciidamada Kurdishka ayaa BBC u sheegay, in shaqada ciidankiisa ay dhib noqotay, iyagoo ay qasab ku noqottay in reerkooda ay geeyaan Turkiga, kadibna ay soo laabtaan

Leave a Reply