Guri Saddex Dabaq Ayuu Ka Soo Tuuray Eyga

0
440

Wargeyska Daily Times ee Dalka Maraykanka ayaa daabacay Sabtidii in nin Maraykan ah oo la yidhaa Wiliam Raporon uu ku kacay fal aad xun ka dib markii uu Eygii gabadhiisa hore ka soo tuuray guri saddex dabaqa ah.  Ninkan ayaa gabadha ka codsaday dhawr jeer inay usoo noqoto laakiin way ka diiday.  Isagoo dhawr jeerna hanjabaad u  diray.
Dadka jaarka ah ayaa booliiska u diray Telefon markii ay arkeen isagoo ninkani jebinaya qolka gabadhu ku jirtay. Nasiib wanaag gabadhan oo la magaceeda lagu sheegay Beila ayaa ka maqnayd qollkeed wakhtiga falkaasi dhacayay.  Taasi oo keentay inuu Eyga ku cadhoodo. Booliiska ayay u suurtagashay inay ninkan  gacanta ku dhigaan iyagoo u gudbiyay xeer ilaalinta. Eygii bakhtiga ahaana waxa laga helay meel u jirta 50 mt dabaqa uu ka soo tuuray.

Leave a Reply