Qabiilo Ku Nool Taansaaniya Oo Ka Go’an Dunida

0
480

Sida aya daabacday Wargeyska Every days News maalintii Isniinta, waxa dhowaan  soo baxaday inay jirto qabiilo ku nool dalka Taansaaniya oo ka go’an dunidan casriga ah. Qabiiladan oo ku nool hareeraha webiga Iyasi waxay weli u nooshahay habkii qadiimiga ah ee ay dadku u nolaayeen bilwogii nolosha. Qabiiladan ayaan  waxba kala socon caalamkan hadda la joogo. Waxay nool yihiin iyagoo u baahnayn laydh, Isgaadhsiin, Gaadiid, Dhar iyo raashin ay iibsadaan midna. Nolosha qabiiladan ayaa ku xidhan ugaadhsiga xayawaanaadka. Waxaana yaab leh iyadoo qabiiladani weli aan baran sida beeraha loo fasho. Waxayna isticamaalaan ciyaaraha iyo dhaqanada Afrika ee gaboobay. Dharka, kabaha iyo raashinkooduba waa hilibka, harraga iyo dhogorta xayawaanada ay ugaadhsadaan.

Leave a Reply