Sharciga Kalluumaysiga Somaliland

0
476

 
Sharci Lambar 024 Ee Nov. 1995
Qodobka 1aad: Masuuliyadda
Wasaaraddu waxay masuul ka tahay horumarinta kalluumaysiga, dhawridda bii’adda nafley biyoodka iyo dhaqan gelinta sharcigan.
Awoodda sharcigani siiyay wasiirka, wuxuu qoraal ahaan u wakiilan karaa sarkaal kasta ama ruux shaqaale sare ka ah wasaaraddiisa.
Qodobka 2aad: Xadka Biyaha Dalka
Xadka biyaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu u qaybsan yahay laba qaybood:
Xad-biyood (Territorial Water) oo dhan 12 mayl baddeed (Nautical Miles), marka laga qiyaaso xeebta dalka.
Xad-biyood dhaqaale (Exclusive Economic Zone), oo sharciyan dhan 100 mayl baddeed, marka laga qiyaaso xeebta dalka, meesha ugu balaadhan iyo 30 mayl meesha ugu yar.
Badda gacanka Caden waxaa xad-biyood dhaqaale u yahay dawladda Somaliland iyo Yeman oo keliya.
Qodobka 3aad: Tiro-kood Kalluumaysiga
Wasaaraddu waxay ururinaysaa tiro-koobka wixii war ah ee la xidhiidha kalluumaysiga, wixii hawlo kalluumaysi ah way xidhiidhinaysaa, maamulaysaa, wayna faafinaysaa wararka la xidhiidha kalluumaysiga Somaliland.
Qodobka 4aad: Horumarinta Kalluumaysiga
Wasaaraddu waxay dalka ugu xil-saaran tahay, hirgelinta hawlaha horumarineed ee kalluumaysiga.
Qodobka 5aad: Waxyaabaha Reebban
Waxa gaadiidka kalluumaysiga ka reebban hawlo ama adeegsiga qalab keenaya dhimasho, wasakhawga loo gaysto noolaha ama dhirta badda.
Waxa qof kasta ka reebban inuu haysto alaab ama qalab dhaawac u keeni kara noolaha iyo dhirta ee goobaha kalluumaysiga.
Waxa kale oo qof kasta ka reebban inuu ka ganacsado ama uu kalluun ku bedesho badeecad kale ama noolaha badda ee laga qabtay biyaha Somaliland, iyadoo aan fasax laga helin wasaaradda.

Leave a Reply