Ganacsade Toogasho Lagu Dilay Iyo Madaxweynaha oo Shacbiga ka Tacsiyadeeyay

0
646

Hargeysa (Dawan):- ILAAHAY ha  u naxariistee waxaa toogasho shalay galab  ku geeriyooday Marxuum Xuseen Maxamuud  Caawaalle oo ku magac dheeraa  (Gacmadheere) kana mid ahaa ganacsada waaweyn ee reer Somaliland ee  xoolaha  dhoofisa,  ka dib markii xabad uu riday nin askari ah oo ku sugnaa bar kaantarool  oo ku taalla tuulada Qoton Dabo ay caloosha kaga dhacday taasoo uu u geeriyooday.
Marxuum Gacmadheere,ayaa ka mid ahaa wefti shalay  ku soo socday  dhanka  caasimada Hargeysa oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Jamaal Dhugad oo ka tirsan golaha Guurtida Somaliland.
Wararka la xidhiidha toogashada Marxuum Gacmadheere  ee illaa imika  uu helay wargeyska Dawan ayaa intaa waxay raacinayaan in Marxuumku  gaadhiga uu watay  ka dambeeyay  weftiga kale ee ay wada socdeen isla markaana goor dambe oo shalay galintii dambe ah in uu soo gaadhay  kaantaroolka  tuulada Qoton Dabo halkaasoo ay ka dhacday toogashada uu u geeriyooday in kasta  oo aanay wararku  wax tafaasiil ah ka bixinin qaabka ay dilkani  u dhacday iyo goobta ay weftigu ka yimaadeen midna.
Dhinaca booliska ooaanu la xidhiidhnay ayaanay noo suura galin tafaasiil ka badan in dilkaasi uu dhacay oo kaliya ayaanay ku gaabsadeen saraakiil ka tirsan ciidanka booliska oo aanuwax ka waydiinay sida ay u dhacday dilka  Marxuum Ganacsade Xuseen Maxamuud Cawaale(Gacmadheere)
Waxaa kale ooaanu isku daynay inaanu  wax ka waydiino sida falkani u dhacay iyo in la qabtay askariga  dilka geystay Xildhibaan Jamaal Dhugad oo xalay Maydka Marxuumka soo qaaday oo keenay Hargeysa waxaanu  gaabsaday in xilliga aanu la hadlaynin oo  uu siday  Maydkii wax war ahna aanu na siin karin.
Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale(Gacmdheere)ayaa ka mid ahaa ganacsatadii waawaynayd ee xoolaha dhoofin jirtay islamarkaana kamid ahaa odayaasha Somaliland ee ka soo qayb qaatay  halgankii dalka lagu xoreeyay iyo dib u dhiskii Somaliland iyo nabadayntii beelaha.
Geesta kalena   Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariitee Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaalle (Gacmadheere) oo ku geeriyooday shalay  22/03/2015, gobolka daadmadheedh, kana mid ahaa Odayaashii ka soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, sidoo kalena ka mid ahaa ganacsatada dalka ee xoolaha dhoofiya.
Madaxweynuhu marxuumka waxa uu Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatul fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply