Warbixin “Somaliland Waxa ay Soo Bandhigtay Fursad iyo Maalgashi Qiimahoodu Yahay $1.2 Bilyan”

0
47

“Maalgashigga caalamiga ah iyo Fursado cusub oo u furmaya dhaqaalaha JSL”

Dekedda Berbera iyo marinka ganacsiga oo laf-dhabar u noqonaya koboca dhaqaalaha”

London, (Dawan) Warbixin ay baahisay Horn Lens ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay magaalada London ku soo bandhigtay 14 Fursadood iyo Maalgashi Gaadhaya $1.2 Bilyan, kuwaas oo lagu soo shir maalgashi oo ka qabsoomay UK 14-kii Oktoobar 2026, Warbixintu waxay wadarta qiime ee maalgashiga la soo bandhigay ay ku sheegtay in uu ka badan yahay 1.2 bilyan oo doolarka Maraykanka ah.

Shirka oo barbar socday madasha AFSIC – Investing in Africa ayaa diiradda lagu saaray fursadaha dhaqaale ee Somaliland, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ballaadhinta ganacsiga iyo soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah. Sida lagu sheegay xogta shirka, buugga fursadaha maalgashiga (Investment Dealbook) ayaa xambaarsanaa 14 mashruuc oo ka kala socda qaybo dhaqaale oo muhiim ah.

Sida ay sheegtay warbixintu, Dekedda Berbera iyo marinka ganacsi ee Berbera (Berbera Corridor) ayaa ka mid ah meelaha muhiimka ah ee laga filayo inay door ka qaataan qorshayaasha Somaliland ee horumarinta ganacsiga, gaadiidka iyo isku xidhka suuqyada gobolka. Sidoo kale goobta juqraafiyeed ee Somaliland, oo ku taalla xeebta Gacanka Cadmeed, ayaa lagu xusay warbixinta in ay Somaliland siinayso fursado la xidhiidha isu-socodka badeecadaha, adeegyada dekedaha, kaydinta, saadka iyo ganacsiga badda.

Sidoo kale Horumarinta dekedda iyo kaabayaasha isku xidha ayaa lagu tilmaamay qayb muhiim ah oo abuuri karta fursado ganacsi oo dheeraad ah. Fursadaha maalgashi ee laga hadlay ayaa la xidhiidha qaybo ay ka mid yihiin tamarta, macdanta, beeraha, xoolaha, kalluumaysiga, saadka badda, wax-soo-saarka iyo tiknoolajiyadda. Maalgelinta qaybahan waxay gacan ka geysan kartaa ballaadhinta ilaha dhaqaalaha, kobcinta ganacsiyada maxalliga ah iyo abuurista shaqooyin cusub.

Sida lagu sheegay warbixinta shirka, Lord Stuart Polak ayaa ka hadlay fursadaha dhaqaale ee Somaliland, kaabayaasha dhaqaalaha iyo awoodda ganacsi ee bulshada. Ka-qaybgalka madal caalami ah oo maalgashi waxay Somaliland siinaysaa fursad ay kula xidhiidho maalgashadayaal, shirkado iyo daneeyayaal xiisaynaya suuqyada Afrika. Mid ka mid ah arrimaha muhiimka u ah Somaliland waa in fursadaha maalgashi ay ka gudbaan marxaladda qorshaynta oo ay noqdaan mashaariic shaqaynaya, kuwaas oo wax ku biiriya koboca dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka.

Shirka maalgashiga Somaliland ee London iyo 14-ka fursadood ee lagu soo bandhigay ayaa iftiiminaya dadaallada lagu doonayo in lagu ballaadhiyo xidhiidhka ganacsi ee caalamiga ah, laguna horumariyo qaybaha kala duwan ee dhaqaalaha. Sidaas darteed, tallaabada xigta ee muhiimka ahi waa in fursadaha la soo bandhigay loo beddelo mashaariic la maalgeliyey oo leh qorshayaal fulineed, isla-xisaabtan iyo natiijooyin muuqda.