Shirkadda ugu Weyn Lacagaha Digitaalka Adduunka oo laga Xaday 6.3 Bilyan oo Dollar

0
25

Shirkadda Binance oo ah madasha ugu weyn dunida ee lagu kala iibsado lacagaha dijitaalka ah (Cryptocurrency) ayaa la kulantay weerar dhanka internetka ah oo lagu jabsaday isla markaana lagu waxyeeleeyay hanti lagu qiyaasay $6.3 bilyan oo dollar, una dhiganta £4.7 bilyan oo giniga Ingiriiska ah. Dhacdadan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah weerarradii ugu waaweynaa ee abid soo mara suuqa lacagaha dijitaalka ah, iyadoo dhalisay walaac xooggan oo ku saabsan amniga hantida Crypto-ga.

Madaxa shirkadda Binance, Richard Teng, ayaa sheegay in shirkaddu la shaqaynayso hay’adaha sharciga iyo kuwa amniga si loo ogaado sida uu weerarku u dhacay, cidda ka dambaysay iyo sidii loo soo celin lahaa hantida la lunsaday. Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in shirkaddu qaadi doonto dhammaan khasaaraha ka dhasha dhacdadan.

Binance waa madasha ugu weyn dunida marka la eego mugga ganacsiga lacagaha Crypto-ga, waxaana dadka isticmaala ay ku kala iibsadaan lacagaha dijitaalka ah sida Bitcoin, Ethereum iyo noocyo kale oo badan. Shirkadda waxaa laga aasaasay dalka Shiinaha sannadkii 2017-kii, waxaana lagu qiyaasaa inay leedahay in ka badan 300 milyan oo isticmaale oo ka diiwaangashan caalamka. Sannadkii 2024-kii, Binance waxay sheegtay inay gacanta ku hayso hanti qiimaheedu ka badan yahay $160 bilyan.

Si kastaba ha ahaatee, shirkaddu sannadihii u dambeeyay waxay wajahaysay cadaadis sharciyeed oo ka yimid dalal kala duwan. Sannadkii 2023-kii, aasaasihii shirkadda, Changpeng Zhao, ayaa xilka madaxa shirkadda ka degay kadib markii uu qirtay dambiyo la xidhiidha jebinta shuruucda ka hortagga lacag-dhaqidda. Weerarku wuxuu si gaar ah u saameeyay madasha caalamiga ah ee Binance.com, halka Binance.US oo adeegyo siisa macaamiisha Maraykanka ay sheegtay inaanay wax saamayn ah ku yeelan dhacdadan.

Richard Teng ayaa sheegay in baadhitaannadii ugu horreeyay ay muujiyeen in weerarku suuragal ahaan ka bilowday kombiyuutarka shaqo ee injineer ka tirsan waaxda farsamada iyo maamulka nidaamyada shirkadda (DevOps Engineer). Sida uu sheegay, markii kombiyuutarkaasi la jabsaday, weeraryahannadu waxay heleen marin ay ku galaan qayb ka mid ah nidaamyada shirkadda, halkaas oo ay ka fuliyeen amarro kala-bixineed oo aan la oggolayn.

Raghu Nandakumara, oo ah khabiir ka tirsan shirkadda amniga internetka ee Illumio, ayaa sheegay inay suuragal tahay in injineerka lagu khiyaameeyay inuu tijaabiyo barnaamij ama fayl, kaas oo markii dambe kombiyuutarkiisa ku rakibay barnaamij waxyeello leh (Malware). Waxa uu tilmaamay in haddii kombiyuutarka shaqaaluhu leeyahay awood uu ku galo nidaamyada muhiimka ah ee shirkadda, ay taasi weeraryahannada u noqon karto waddo ay ku gaadhaan hantida dijitaalka ah.

Dhankiisa, Dr Clive Summerfield, oo ah khabiir dhinaca amniga ah, ayaa sheegay in xitaa nidaam amni oo aad u adag uu khatar geli karo haddii qofka awoodda u leh maaraynta furayaasha amniga lagu khiyaameeyo. Binance ayaa sheegtay in weerarku aanu ahayn fal fudud oo hal mar lagu fuliyay, balse uu ahaa hannaan weerar oo isku xidhan. Baadhitaanno dheeraad ah oo shirkaddu samaysay ayaa sidoo kale lagu ogaaday meelo kale oo amniga laga jebiyay.

Shirkaddu waxay intaas ku dartay inaanay ilaa hadda helin wax caddayn ah oo muujinaya in furayaasha gaarka ah ee boorsooyinka lacagaha dijitaalka ah (Wallet Private Keys) la xaday. Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin cidda ka dambaysa weerarka, hase yeeshee shirkadaha ku takhasusay falanqaynta xogta lacagaha Crypto-ga ayaa tuhunkooda ku jeediyay kooxo lala xidhiidhiyo Kuuriyada Waqooyi.

Shirkadaha TRM Labs iyo Chainalysis ayaa sheegay in weerarka Binance uu leeyahay astaamo la mid ah weerarro hore oo lagu eedeeyay kooxaha jabsada internetka ee xidhiidhka la leh dalkaas. Kooxda lagu magacaabo TraderTraitor, oo sidoo kale loo yaqaan Lazarus Group, ayaa ka mid ah kooxaha lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin dhacdadan.

Kooxdan ayaa hore loogu eedeeyay weerarkii lagu qaaday madasha Bybit sannadkii 2025-kii, kaas oo lagu lunsaday hanti Crypto ah oo qiimaheedu ahaa $1.5 bilyan. Dambiyada internetka ee lala xidhiidhiyo kooxaha taageerada ka hela dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sannadihii u dambeeyay si weyn diiradda u saarayay xatooyada hantida dijitaalka ah.

Dowladaha reer Galbeedka iyo hay’adaha amniga ayaa hore u sheegay in lacagaha laga helo xatooyada Crypto-ga loo adeegsado maalgelinta barnaamijyada hubka nukliyeerka iyo gantaallada ee Kuuriyada Waqooyi. Sida ay sheegeen khubaro dhinaca amniga iyo falanqaynta lacagaha Crypto-ga ah, kooxaha lala xidhiidhiyo Kuuriyada Waqooyi ayaa sannadkii 2025-kii xaday ugu yaraan $2.02 bilyan oo hanti dijitaal ah.