Toddoba Boqol oo ay Dooni kula Degtay Liibiya

0
523

Hawlgal samoto bixin ah oo balaadhan ayaa ka socota xeebaha dalka Libya, halkaas oo laga baqayo in ay ku qaraqmeen boqolaal tahriibayaal ah kaddib markii ay dagtay dooni ay saarnaayeen toddoba boqol oo tahriibe.
Waxaa la rumaysan yahay in doontaasi ay saarnaayeen todobo boqol oo qof. Ilaa iyo hadda sideed iyo labaatan qof oo kali ah ayaa la soo badbaadiyay.
Wararku waxa ay sheegayaan in shilku uu dhacay kaddib markii ay dadku ku u yaaceen qayb ka mid ah doontaasi oo liiqliiqanaysa iyaga oo doonaya in ay fuulaan markab ganacsi oo dhankooda u soo socda
Labaatan markab iyo saddex diyaaraddaha qumaatiga u kaca ah ayaa ka qaybqaadanaya hawlaha samato bixinta.
Shilkani waxa uu noqonayaa kii u dambeeyay ee dhacdooyin halis ah oo dhawaanahan dhacayay.
Afar boqol oo qof ayaa  todobaadkan horaantiisii ku dhintey waqooyiga Libya, kaddib markii ay doon kale ku dagtay halkaasi.
 
 
 
 

Leave a Reply