Daacish oo la Sheegay inay laysay Masiixiyiin Itoobiyaan ah

0
338

Kooxda Daacish ayaa soo saartay muuqaal muujinaya laba kooxood oo dad ah, oo kuwana qoorta laga jarayo, kuwo kalana rasaas lagu furayo, waxaana dadkaas loo aqoonsaday in ay ahayeen Itoobiyaan masiixiyiin ah oo ku noolaa dalka Libya.
Muuqaalkaas ayaa waxa lagu baahiyey internetka waxaana laga soo kala duubay labo meelood oo dalka Libya ah oo kala ah Barqah oo ku taala bariga iyo Fazzan oo ku taala koonfurta.
Muuqaalkan oo loogu magac daray ”ilaa iyo inta ay uga imaanayso cadeymo cad” ayaa waxa ka muuqday nin wajiga soo duubtay oo ku hadlaya luuqada ingiriiska, una goodinaya masiixiyiinta una sheegaya in aanay badbaadi doonin ilaa ay ka qaataan diinta islaamka ama ay dhiibaan lacagta jizyada ah ee laga qaado qofka aan muslimka ahayn.
Fidiyowgan oo 29 daqiiqo iyo 11 ilbidhiqsi ah ayaa waxa uu u muuqdaa in looga goleeyahay in lagu sharaxo mawqifka Daacish ee ku aadan dadka masiixiga ah.
Waxay ku doodayaan in dadka masixiyiinta ah ee ku nool meelaha ay gacanta ku hayso Daacish ee ogolaaday in ay ay bixiyaan lacagta Jizyada ah in ay ku nool yihiin si nabad ah, kuwii diidana ay wajahayaan dil.
 
 

Leave a Reply