“Dawladdu Ma Rabto Inay Dhex-gasho Hawsha Loo Xil Saaray Komishanka Ee Ah Maamulka Doorashooyinka”

0
354

Hargeysa (Dawan) Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay Xukuumaddu ay masuuliyada maamulka  doorashada aanay ku faro-gelinaynin Komishanka doorashooyinka qaranka.
 
“Arrinta Doorashadu waxa masuuliyadeeda  qaranku  u xil saartay Komishanka doorashooyinka, waa la magacaabay (Komishinkankii) hawshiina wey galeen, tababarkoodii bay qaateen, beesha caalamkuna xag  dhaqaale iyo talloba waxay siiyeen Komishanka doorashooyinka inay hawshooda maamulaan, dawladu faraha ayay uga qaaday mana rabto inay dhex gasho Komishanka hawsha loo xil saaray ee ah maamulka doorashooyinka.
Komishanka doorashooyinka wuxuu keenay in uu yidhaahdo doorashadu waxay dhacaysaa markaanu dhan kasta wax ka eegnay June 2016, taas ayay ku dhawaaqeen, dawlada Somaliland ee aan anigu ka mid ka ahay waxa naga go’an in aanu ixtiraamno  go’ankaas ka yimid, hase yeeshee taasi mid annaga noo taalla maaha, masuuliyadu waxay saaran tahay Komishanka doorashooyinka iyo  Golaha Guurtida juqa-jaqayn aanu ku haynaana kuma jirto oo wixii Komishanku ay go’aamiyeen baanu u sheegnay caalamka,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland oo  shalay u waramayay  shabakadda Ramaasnews, isagoo ku sugan dalka Norway  oo uu booqasho ku marayo.
 
 
 
Wasiirku waxa uu sheegay in Xukuumad ahaan ka jawaabeen qoraal ay dawlada Maraykanku kaga hadashay doorashada, waxaanu yidhi “Warqadaa Maraykankan waanu jawaabnay jawaabteda  inaad aragtay ma hubo, hase yeeshee waxaanu u sheegnay in aanu anagu shaqo ku lahayn hawshaasina ay tahay mid u taala Komishanka doorashooyinka, waanad la socotaa Madaxweynha maanta talada haya doorashadii hore 80 cod buu ku waayay si sharaf leh uu uga dhaqaaqay oo uu yidhi waa la iga helay gacanta u dhiibay, markaa dad ka baqanaya ma nihin doorasho la galo, waxaanu aaminsanahay haddii doorashada la gelo in aanu helayno, dhib ay nagu haysaana ma jirto. Waanan ixtiraamaynaa Komishanka doorashooyinka  iyo Guurtida hawsha loo xil saaray mid anaga noo taalana maaha, waxaanan ku dadaalaynaa waxa ka soo baxa Komishanka iyo Guurtid aaanu fulino.”
 
 
 
Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibadu waxa uu sheegay inay  ku dedaalayaan sidii Dekeda Berbera ay u noqon lahayad mid caalami ah, waxaannu yidhi  “Dekeda Berbera waa mid balaadhan waa mustaqbalkeennii, waana waxa ugu weyn ee aynu maanta haysano, hase yeeshee haddii aynu dul fadhino oo sidaas uun ahaato jaararkii iyo Dekedihii agteena oo dhammi wey ina  dhaafayaan in la maal-geliyaanna  waa muhiim, inay Deked balaadhan noqotaa waa muhiim in aynu Ummaddeenna wax u qabanno oo maanta Itoobiya Xoolaheeda oo dhan baa ina soo mari lahaa oo aynu Jabuuti,  Mombasa iyo Boosaaso la tartano waa muhiim.”
 
“Annaga waxa  naga go’an ama dawlada ha noqoto inay masuuliyad ka saaran tahay dawlad kasta oo Somaliland in wixii horumar ah ee ay dadkeeda ku kobcin karto ee shaqo loogu abuuri karo inay ku dedaasho. Khibrad badan uma lihin, la taliyayaal badan baanu isticmaalaynaa, dad baa naga eegaya arrimaha shaqaalaha shaqadiisa , noloshooda, horumarka Magaalada, horumarka dalka, nooca ay noqonayso iyo inta la gelinayo dad faro badan baa baanu la tashaynaynaa, kuwo badanina aad bay u xiisaynayaan inay Dekeda maal-gashadaan, hase yeeshee aad baanu u qabnaa in aanu ka fiirsano oo aanan ku degdegin oo wixii aannu keeno ee hagaagsan dadka aanu u soo bandhigno oo wax cad oo la arki karo ay noqoto oo dalka iyo shaqaaleheeda horumarinaya,” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply