“Inta Ay Labada Doorasho Isa Saaran yihiin, Xeerkiina Maqanyahay, Doorasho Ma Qabsoomayso”

0
377

Hargeysa (Dawan):- Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE ayaa ka hadlay muddada uu Komiishanka doorashooyinku ku cayimay maalinta ay doorashooyinku ka qabsoomayaan Somaliland, caqabadaha dib u dhigi kara mar labaad doorashooyinka iyo waxyaabaha lagama maarmaanka ah  in la sii qabto.
 
Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE Mudane Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel) oo waraysi gaar ah khadka telefoonka  ku siiyay Wargeyska Dawan. waxa kale oo uu intaa ku daray in dib u dhaca Doorashooyinka ay sabab u tahay isku xidhka labada doorasho ee Madaxtooyada oo sharciyadeedu dhammaystiran tahay iyo doorashooyinka xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland oo aan la samayn xeerkii lagu dooran lahaa kuna baaqsaday golaha Wakiiladda.
 
Mudane Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) waxa kale oo uu ka hadlay sida ay xisbi iyo xukuumad ahaanba diyaar ugu yihiin in ay doorashooyinka qabtaan,  kalsoonina ugu qabaan doorasho ay la galaan asxaabta mucaaridka ah haddii la soo dhamaystiro  sharciyadda iyo xeerka lagu dooranayo mudanayaasha  wakiiladda.
 
“Horta goormaa la yidhaahdaa Doorasho wakhtigaasay qabsoomaysaa? Taasaa u baahan in wax la iska waydiiyo  doorashada qabsoomaysa ee gudiga doorashooyinku ay cayimi karaan waa tee?. Dalka waxaa la isa saaray oo Guddoomiyaha Wakiiladdu isla doontay xeerna ku soo saaray in Doorashooyinka Madaxtooyada oo sharciyaddeedu  dhamaystiran tahay  iyo Doorashada Xildhibaanadda Wakiiladda in mar la wada qabto  taasina waxay meesha ka saaraysaa in la ogaado goorta ay doorashooyinkaa isa saarani dalka  ka qabsoomayaan, sababtoo ah doorashada wakiilada wali xeerkeedii lama samayn saami qaybsigii goboladu u heli  lahaayeen mudanayaasha wakiiladana laguma heshiin  waxna la iskama odhan illaa xeerkii wakiiladda  lagu soo dooran lahaa la sameeyo oo goboladu saami qaybsi la isku ogyahay oo la isla qaatay lagu heshiiyana, doorasho qabsoomaysaa ma jirto. Markaa Komishanka Doorashooyinku waxay ku dhawaaqeen  waa hadal  la iska yidhi sababtoo ah Gudigga doorashooyinku xeer dejin maaha ee waxay qaban karaan oo kaliya doorasho xeer jideeyay,”ayuu yidhi Jaamac Shabeel.
 
Waxaa kale oo uu ka hadlay sida labada doorasho la isula doontay  iyo cidda isku xidhay ee soo saartay in mar la wada qabto doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiiladda  oo uu ku eedeeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda “labada doorasho waxaa isa sudhay oo isla doontay shir guddoonka Wakiiladda, gaar ahaan Guddoomiye Cirro oo Madaxwaynaha u gudbiyay in labada doorasho mar dalka ka wada qabsoomaan Madaxwaynuhuna wuu meel mariyay markaa intaan xeerkaa wakiilada lagu soo dooranayo la samayn doorasho  la garan karo wakhtigay qabsoomaysaa ma irto. Waxaa jirtay in xeerkii hore ee lagu soo doortay mudanayaasha wakiiladu in  uu ahaa kumeel gaadh laguna heshiiyay in aan mar dambe lagu galin, xeerka doorashadoodana ay soo saaraan wakiiladu iyaguna toban sanno ayay joogeen wax ay sameeyeenna ma jirto  mana sii joogi karaan.”
 
Jaamac Shabeel oo ka jawaabayay su’aal aanu ka waydiinay sida ay diyaar ugu yihiin xisbi iyo Xukuumad ahaan in ay doorashooyinku wakhtigooda loo asteeyay in ay dalka ka qabsoomaan, ayaa yidhi, “Anagu diyaar ayaanu u nahay saacadda xeerkaasi soo dhammaado ee laga heshiiyo la iskuna raaco in aanu doorasho qabano. Kalsoonina waanu isku qabnaa sabab aanu doorasho uga baqanaana ma jirto.”
 
Ugu dambayn waxaa uu ka hadlay  Jaamac Shabeel  waxa looga gudbayo haddii xeerka doorashada mudanayaasha Wakiilada mudadaa lagu soo dhamayn waayo. “haddii xeerkaasi golaha ka soo bixi waayo   waa la iskaga iman doonaa oo talo qaran,ayaa laga yeelan doonaa wixii kale ee lagu heshiiyana waa looga gudbayaa.”
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply