Guurtida Oo Guddi Culus U Saartay Ka Soo Tallo Bixinta Muddo Kordhin Loo Sameeyo Xukuumadda Iyo Wakiiladda

0
380

Hargeysa (Dawan) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhi ay yeesheen oo uu shir-gudoominayay Gudoomiyaha Golahaasi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxay guddi ka 29 xubnood ka kooban  u xilsaareen ka soo tallo bixinta muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda.
Gudoomiyaha Golaha Guurtida Md.Saleebaan Maxamuud Aadan, oo hadal kooban u jeediyay xildhibaanadii fadhigaas ku sugnaa ayaa waxa uu sheegay in guddidan la magaacabay looga baahan yahay in ay si fiican uga soo baaraan degaan arrinta loo saaray, wixii ay isla soo gartaana ay golaha dib ugu soo celiyaan si loola eego,.
“Waynagii ku heshiinay in aynu guddi balaadhan oo Golaha matasha  saarno. Guddidaasi waa in ay soo bisleeyaan oo ay Golaha hor-keenaan, waxaannu jecelahay in aynu intaas isla qaadano,”ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.
Guddiga Goluhu u saaray mawduucan waxay kala ahaayeen:-

  1. Saleebaan  Maxamuud Aadan, (Guddoomiyaha Golaha.)
    2. Siciid Jamac Cali (Gudd ku-xigeenka 1aad ee Golaha.)
    3. C/raxmaan Sheekh Yuusuf Sh. (Gudd ku-xigeenka 2-aad ee Golaha)
    4. Muxumed Aw Axmed Xaaji Aadan (Xubin.)
    5. Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Xubin. )
    6. C/qaadir Maxamed Xasan (Xubin.)
    7. Siciid Xuseen Huruuse  (Xubin.)
    8. Mamduux Cismaan Sheekh (Xubin.)
    9. C/qaadir Aw Xuseen Mirre (Xubin.)
    10. Xasan Sh. Axmed Sh. Nuux (Xubin.)
    11. Cabdi C/laahi Xasan (Xubin.)
    12. Siciid C/laahi Yaasir (Xubin.)
    13.Axmed Daahir Maxamuud (Xubin.)
    14. Cawil Xuseen Axmed (Xubin.)
    15. Farxaan Ciise Ubaxle (Xubin.)
    16. Cawil C/laahi Caydii (Xubin.)
    17. Axmed Nuur Aw Cali Aadan (Xubin.)
    18.Sul  Isamaacil Sul.C/raxman (Xubin.)
    19. C/raxmaan Qawdhan Muxumed (Xubin.)
    20. Xuseen Madar Xoosh (Xubin.)
    21. Caydiid Cabdi Maxamed (Xubin.)                                                                                                                           22. Nuur Rayaale Khayre (Xubin.)
    23. Xasan Cumar Axmed (Xubin.)
    24. Dayib Xasan Axmed Faarax  (Xubin.)
    25. Maxamed Jamac Abokor (Xubin.)
    26. Xirsi Ciise Jaamac (Xubin.)
    27. C/raxmaan Axmed Araaye (Xubin.)
    28. Maxamed Shire Faarax (Xubin.)
    29. C/laahi Ibraahim Habane Xoghayaha Golaha   (Xoghayn)

Guddidan ayaa waxa la filayaa marka in ay soo jeedintooda golaha soo hordhigaan si gole weynuhu go’aan uga gaadhaan soo jeedintoodaa ku saabsan wakhtiga ugu habboon ee loo kordhin karo xukuumada iyo Goleyaasha sharci dejinta, maadaama oo Guddiga doorashooyinka qaranku caddeeyeen in aanay doorashooyinku ku qabsoomi Karin xiligoodii sababo jira awgood.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply