Ingriiska: ‘Dhaxalkayga Waxa iska leh Ninkan shaqaalaha ah’

0
588

Oday Ingriis ayaa xoolihiiisa u diiday inay dhaxlaan qoyskiisa waxaana u gebi ahaanba siiyay nin shaqaale ah oo ka caawin jiray nadiifinta dhuumaha biyaha  bulaacadaha ee gurigiisa isagoon ka qaadan wax mushqaayad ah. Ninkan oo lagu magacaabo Danial oo 40 jir ah ayaa muddo 6 sano ah ugu shaqaynayay bilaash odayga Ronald Poshter oo da’diisu tahay 75 sano.  Odaygan oo dhintay bishii March ee Sanadkan ayaa xolihiisa oo dhamaa 850 kun doller u dardaaramay in la siiyo ninkaasi shaqaalaha ahaa. Ninkani mafilayn in hawshaasi yar ee uu qabtay odayga uu ku ku heli doono lacag intaasi leeg. Sida uu daabcay wargeyska Daily mail Waxay arinatni yaab ku noqotay qoyskiisa iyo asxaabtiisa ka dib markii ay ogaadeen in xoolaha dhamaantood uu qadanayo ninkan Denail ee shaqaalah u ahaa ee caawin jiray odaygai. Odayga Ronald ayaa dardaarankiisa ku yidhi “ Dhaxalkayga waxa iska leh ninkan shaqaalaha ah “  ( Daily Mail).

Leave a Reply