Dawladda Sucuudiga Oo Aqoonsatay Maxjar Cusub Oo Casriya Oo Laga Hirgeliyay Berbera

0
371

Berbera (Dawan)- Dawladda Sucuudiga ayaa aqoonsatay maxjar cusub oo caafimaadinta xoolaha ah oo laga hirgeliyay Magaaladda Berbera, ka dib markii ay aqoonsadeen laba Ha’yadood oo caalami ah oo ka shaqeeya inay darsaan tayadda maxjaradda.
Maxjarkan cusub oo noqonaya kii saddexaad ee laga hirgeliyo magaaladda Berbera, waxa ku shuraakoobay Ganacsato reer Somaliland oo xoolaha dhoofiya, sida uu warbixintan inoogu faahfaahinayo Weriye Yaasiin Jaamac Cali  oo degan Berbera, waxaannu warbixintiisu u qornayd sidan:-
 
“Sannadihii u dambeeyay waxa kor u sii kacayay Xoolaha Somaliland ee  loo iib-geeyo wadamada carabta  kuwaas oo ku dhawaaday Sadex Milyan oo neef moosinka xajka ee ka dhoofa marsadda Berbera.
 
Hadaba, iyadoo taa laga duulayo ayaa waxa khasab noqotay in la Hirgaliyo Maxjarro Xoolaha lagu dhakhtariyo laguna nasiyo Inta aanay ka dhoofin Dekada  Berbera, Waxaana sannadihii u dambeeyay wadanka laga Hirgeliyay laba maxjar oo kala ah Maxjarka Shirkada Al-jaabiri iyo Maxjarka Indho Deero,
 
Waxa dhawaan isna sharciyadii iyo ruqsadii maxjarnimo helay Maxjar cusub oo   Midawga ganacsatada reer Somaliland ee xoolaha diraa aasaaseen, kaas oo noqonaya  maxjarkii saddexaad ee Berbera laga dhiso waxaanu wax weyn ka tari doonaa Caafimaadinta Xooolaha iyo Suuq geyntoodaba.
Masuuliyiinta Maxjarkan oo kala ah  Xaaji Cabdi Cismaan Biindhe, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Shidaar, Cabdi-wahaab Cigge iyo Yuusuf Cali Nuur, ayaa sheegay inay ka gudbeen qiimayn balaadhan oo saddexdii bilood ee  la soo dhaafay ay Ha’yadaha OIE Iyo FAO, oo qaabilsan inay caddeeyaan tayadda Maxjarradu ay u kuur-galeen isla markaana baadhis buuxda ku sameeyeen maxjarkan cusub oo ay si gaar ah u baadheen baaxadda dhulka uu ku fadhiyo, goobaha loogu tallo-galay in xoolaha lagu nasiyo iyo inuu guud ahaan maxjarkani  istaahilo in la siiyo shahaadadii uu ku hawl-geli lahaa iyo in kale.
Labadan Ha’yadood waxay maxjarkan ku tilmaameen inuu yahay ka ugu balaadhan  ee laga sameeyay Mandaqadda Geeska Afrika, iyagoo ku qancay qalabka uu ku hawl-gelayo iyo laabka. Waxaannu noqonayaa mid lagu baadhi doono dhammaan xanuunadda ku dhaca xoolaha.
 
Sidaas darteed,  Maamulaha Guud ee  Ilaalinta tayada maxjarrada Xoolaha laga dhoofiyo ee dalka Sucuudiga Sheekh Ibraahim Cabdilaahi Raashid, ayaa qoraal uu soo saaray 9-kii bishan June,  waxa uu ku sheegay in maxjarkani uu buuxiyay dhammaan shuruudihii looga baahnaa oo dhan. Waxa kale oo qoraalka sarkaalkaas daabacay Salaasadii todobaadkan qaar ka mid ah wargeysyadda ka soo baxa dalka Sucuudiga.
 
 
Maxjarkan waxa iskugu tagay ganacsato waaweyn oo caan ku ah dhoofinta xoolaha nool oo iskugu jira dhammaan Somaliland oo dhan, maxjarkan ayaa lagu wadaa inuu kaalin ka qaato kor u qaadista dhoofka xoolaha isla markaanna uu fure u noqdo in loo helo saylado cusub oo xoolaha loo iib-geeyo.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply