Wasiir-ku-xigeenka Khaarajiga Oo La Kulmay Masuuliyiin ka Socday Dalka Sweden

0
356

Hargeysa(Dawan)- Wasiir-ku-xigeenka Waaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Mawliid Maxamuud Ibraahim, ayaa kulanno la qaatay masuuliyiin ka socda Wasaaradda Khaarajiga ee dalka Sweden.
Kulankan oo uu Wasiir-ku-xigeenku la yeeshay Agaasimaah Afrika u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden Mr. Peter Lindgrade iyo ku-xigeenkiisa Jenny Ohissan waxa ku weheliyey Safiirka Somaliland u jooga Swden Marwo Rooda Jaamac Cilmi iyo xubno ka mid ah jaaliyada Sweden.
Md. Mawliid Maxamuud Ibraahim, waxa uu masuuliyiinta Sweden ka socday u soo jeediyey in ay ku soo biiraan sanquuqa caawimaha dhinka horumarinta Somaliland (SDF) oo halka caawimadu u soo marto Somaliland, waqtigana ay lacagta deeqda ah soo mariyaan waddamada Ingiriiska, Denmark, iyoi Norway, iyadoo la rajaynaayo in ay dhawaan  ku soo biiraan dalalka Net herland iyoi Jarmalka.
Sidoo kale, waxa uu Wasiir-ku-xigeenka Khaarajiga Somaliland, kulankaas ugu sheegay masuuliyiintaas dalka Sweden ka socda in Somaliland khilaaf siyaasadeedkeeda ku xaliso dhaqan, waqtigana khilaafka siyaasadeed ee dib u dhiga doorashada ka dhashay sidii caadada u ahayd loo dhamayn doono.
Geesta kale, waxa uu Wasiir-ku-xigeen Mawliid Maxamuud oo uu wehelinaayo safiirka Somaliland u qaab ilsan dalka Belgium Mr. Maxamuud Cabdi Dacar ay kulan la qaateen xubno ka socda hay’adda xalinta mashaakilaadka adduunak ee ICG oo xarunteedu tahay Brussels.
Xubnahan hay’adan ka socdan oo kal aahaa Agaasimaha Cilmi-baadhista Isabelle Arranon iyoi Mareeyaha Cilmi-baadhista Amelia Branckzik, isagoo wasiirku uga xog-warramay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan ammaanka, horumarka, dimuqraadiyada dalka ka jirta, la-dagaalanka budhcadbadeeda iyo argagixisada, wadahadalada Somaliland iyo Somaliya u socda.
Dhanka kale, waxa uu Wasiir-ku-xigeenku u sheegay xubnaha hay’adda ICG ka socday in Somaliland ay ka go’an tahay sii wadida dimuqraadiyada iyo qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ku dhaca, isagoo uga xog warramay doorashooyinkii kala duwana ee dalka hore uga soo qabsoomay.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply