Qallab Lagu Diiwaan Gelinaayo Bukaanka oo Laga Hirgeliyey Cusbitaalka Hargeysa

0
423

Hargeysa (Dawan)- Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, ayaa la keenay qalab casri ah oo lagu diiwaangelinaayo bukaanka u baahan in adeega caafimaad loogu qabto, waxaannu qalabkan fududaynaya culayska bulshada iyo hawlwadeennada caafimaad ka haystay diiwaangelinta dadka bukaanka ah ee cusbitaalka yimaada.
Qalaban casriga ah oo uu xadhigga ka jaray shalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Xagla-toosiye, waxa xaflada lagu soo bandhigay ka qaybgalay masuuliyiinta caafimaadka, hay’adaha caafimaadka qaabilsan iyo martisharaf kale oo tiro badan.
Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar, ayaa sheegay in qalabkan uu aad muhiim ugu yahay shacabka iyo cusbitaalkaba.
“Kolay waxay noo tahay sharaf in la furo  diiwaangalintii oo casri ah a(utomatic ) ee cusbitaalka guud ee Hargeysa oo dadka bukaanka ah marka bukaan-socod yimmaadaan in ay helayaan diiwaangelin elaktaroonig kombuyuutar ah  ah oo uu qofku farta saarayo,  marka dambana uu helayo nuxurkii iyo warkii loo baahnaa ee qofka, oo markasta oo uu soo noqdana ay suurto gal tahay in la helo xogtiisii,” ayuu yidhi Agaasimaha Cusbitaalka Guud Dr. Axmed Cumar Askar.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland  Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaan xusay in qalabkan yahay mid casriya oo aan hore waddanka u oolin, isagoo sheegay in tallaabadan qayb ka tahay dib-u-casriyeyn lagu samaynaayo adeega caafimaad ee  cusbitaalka, waxaannu yidhi;  “Farxad wayn bay maanta noo tahay in cusbitaalku yeesho nidaam casri ah oo lagu diiwaangelinayo bukaanka oo lagu wadayo maamulka, hadday noqoto xagga lacagta iyo hadday noqoto xaga shaqaalahaba, waa nidaam runtii badali doona nidaamka maamul ee cusbitaalka, soona kordhin doona adeegyo badan, wakhti badana baajin doona, waana markii ugu horaysay taariikhda ee nidaam noocan ah  cusbitaalka ay ka hir galaan, waana cusbitaalkii ugu horreeyey ee nasiib u hela. Waxa aan rajaynaynaa in aad looga faa’iido, xukuumadda uu madaxwaynaha ka yahay Axmed Maxamuud Silaanyo waa xukuumad horumar, sababtoo ah  waad aragtaan meesha wax lamarinayo,  Illaahay idenkiina waxaan rajeenayaa inay halkaa ka sii socon doonto.”

By:Cabdi M.safawaan

 Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply