Shir Lagu Falan-qeeyay Caqabadaha Dhaqaalle Ee Garbo-duubay Saxaafadda Oo Lagu Qabtay Hargeysa

0
418

Hargeysa (Dawan):  Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta ee Somaliland  Maxamad Cilmi Aadan (Ilkacase) ayaa shalay  tababarku saabsan sidii loo darsi lahaa caqabadaha dhinaca dhaqaalaha ee haysta saxaafada Huteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa uga furay  weriyeyaal ka kala socday qaybaha kala duwan ee warbaahinta ka hawlgala dalka.
Kulan hawleedkaasi oo uu soo qaban qaabiyay ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isla markaana ay maalgelisay   hay’adda  caalamiga ah ee Free Press oo ka shaqaysa  arrimaha kor u qaadidda  aqoonta, tayaynta iyo xirfadda weriyeyaasha,  waxaana  ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, gudoomiyaha ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), agaasimaha fulinta ee SOLJA, xubno ka tirsan gudidda fulinta ee ururka SOLJA, qaybaha kala duwan ee warbaahinta ka hawl-gala dalka gaar ahaana caasimadda Hargaysa, sida TV-yadda, Idaacadaha, wargeysyadda iyo shebekadaha wararka (websites).
 
 
Sidoo kale waxaa kulankaasi ka soo qayb galay xubno ka mid rug-cadaayadda saxaafadda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen  Maxamad Xasan Cali (Waji),   Faysal Maxamed Cabdilaahi ( Fadhafadhle ),  Yoonis Cali Nuur,  iyo sidoo kale masuuliyiin ka socday ururadda bulshadda ee aan dawliga ahayn.
 
 
 
Kulankaasi  oo  socday muddo  hal maalin ah, ayaa  u jeedadiisu   ahayd sidii xal loogu heli lahaa dhibaatadda dhinaca  dhaqaalaha ee haysata  suxufitiinta  ka hawl-gala dalka, iyadoo intii uu socday kulankaasi  si qoto dheer loogu falanqeeyay   sidii  meesha looga saari lahaa lacagaha  ay weriyeyaasha  siiyaan ama iyaguba ka qaataan siyaasiyiinta marka ay wararka ka duubaan.
 
Waxaana kulankaasi  si weyn loogaga dooday   shuruucda iyo xeerarka saxaafadda caalamku in ay  u fasaxayaan weriyeyaasha in ay  lacag ka qaadan siyaasiyiinta iyo war kasta oo ay duubaan iyo sidoo kale sababaha keenay ama ku  kelifay in weriyeyaashu ay  lacag ku xidhaan wararka ay duubaan,   taasi oo ku keentay suxufiyiinta laftoodda  in  siyaasiyiinta ama ilaha wararka laga helaa ay  ka qaadeen Sas, iyagoo  ka cararaya in lacag la waydiiyo.
 
Sidaas darteedna ay  lagama maarmaan tahay in la hello          qorshe lagaga gudbo dhibaatadaasi    oo la isla qaatay in ay xataa caqabad ku  noqotay   shaqadii suxufiyiinta isla markaana ay meel ka dhac ku tahay mihnadda saxaafadda, iyadoo  arrimahaasi laga duulayo  in loo baahan yahay ama   la sameeyo  nidaamyo kale oo taasi ka duwan oo  ay  suxufiyiintu dhaqaale ku abuuran karaan.
 
Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta  oo furay kulankaasi ayaa  ka waramay muhiimadda ay leedahay in xal loo raadiyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha dhinaca dhaqaale yarida ee haysta warbaahinta Somaliland gaar ahaana suxufiyiinta.
 
 
Waxaanu yidhi “Maadaama  arrinka aynu maanta   madashani  u fadhinaa uu yahay sidee warfidiyeenadda  dhaqaale  loogu sameyn karaa,  waxaa  inala  gudboon in aynu  wax kasta oo ina hortaagan,  oo caqabad inagu  ah aynu dhamayno.
 
Waxaa  la inooga  baahan yahay in aynu samayno  falanqayn  ah maxaa aynu ku fiicanahay,  maxaynu  ku  xunahay,   ,maxaa khatar inagu meersan iyo maxaa fursado ah ee  aynu haysanaa,   ,dabadeedna  fursadahaasi  awooda    la saaro”.
 
 
Waxa oo uu sheegay agasimaha guud in loo baahan yahay in la diiwaangeliyo warbaahinta dalka ka hawlgala si loo ogaado  qaybaha iyo tiradda suxufiyiinta iyo sida ay u shaqeeyaan. “Mar  haddii SOLJA ay maanta arrintan keentay waxaa loo baahan yahay in suxufiyiinta la diiwaan geliyo,  si markaa loo ogaado wariye hebel muxuu qabtaa,   mida kale waa inay khubaradu  ogaadan weriyaha  iyo meesha uu u shaqeeyo,  maxaa xidhiidha ee ka dhaxeeya iyo arrimo kale” ayuu yidhi agaasime ilka case.
 
 
gudoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto),  oo isna halkaas ka hadlay  ayaa sheegay in kulankani uu dabo-socdo kulamo  hore oo lagaga hadlay sidii dhinaca dhaqaalaha looga taageeri lahaa warbaahinta Somaliland, isla markaana ay ka codsadeen qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah in ay wax kala qabtaan arrintaasi.
 
 
waxaanu yidhi “Qodobadii ugu mihiimsanaa  ee ka soo baxay kulankii aynu dhawaan qabanay, ayay ka mid ahayd   in dhaqaale-kabis  ama xagga dhaqaalaha laga taageero weriyayaasha  iyo Hay’addaha warbaahineed si loo  horumariyo. Waxaanu  hay’adda FREE PRESS oo ah hay’ad  caalimi ah oo ka hawlgasha  wadanka  isla markaana tababaro saxaafadeed  siisa warbaahinta, ayaanu  ka codsanay  inay kulan cayn kani  oo kale ah ay noo soo abaabusho,  si  aanu dood iyo falanqayn   uga yeelano sidii loo kabi lahaa dhaqaalaha ururka iyo Suxufiyiintaba.
 
Si  aanu ugu soo bandhigno dawladda iyo hay’addaha  caalamiga ah iyo kuwa wadaniaga ah ee dalka joogaba iyo sidoo kale ganacsatada Somaliland oo taageero ururka SOLJA  la barbar-taagan,  in aanu u soo bandhigno sidii ay nooga caawin lahaayeen wixii doodan iyo falanqayntan ka soo baxa”.
 
Guddoomiye  Xuuto, ayaa ka sidoo kale  mahad naq balaadhan u jeediyay  hay’adaha iyo shirkadaha dhinaca dhaqaalaha ka caawiya ururka SOLJA.  “Waxaanu  madashan ku soo casuunay qaybaha kala gadisan ee bulshada si ay halkan ugu darsadaan fikirka ay u arkaan in  suxufiyiinta Somaliland iyo hay’adaha warbaahinta ay dhaqaale  kab ku heli karaan,    waxaannu  aad ugu mahad naqaynaa cidkasta oo taageerta Ururka Suxufiyiinta Somaliland  ee SOLJA”ayuu yidhi  gudoomiyaha SOLJA.
 
 
Sidoo kale waxaa isna halkaasi  ka hadlay suxufiga rug-cadaaga ah ee Mijir Qaadi, oo ka waramay  kaalinta ay warbaahintu kaga jirto bulshadda,  isla markaana looga baahan yahay weriyeyaasha in aanay noqon kuwo cid gaar ah u adeega. Sidaas darteedna aanay mihnadoodda u adeegsan dhinaca xun.
 
 
“Warbaahintu xasad-na malaha,  nin jeclaysina malaha,  waxaana  looga baahan yahay dedaal badan.  sababtoo ah saxaafada iyo wararka  adaa ku nool ee iyagu kuguma noola. Markaa  waxa loo baahan yahay in xagga wanaagsan laga eego, iyadoo aan nin jeclaysi iman,  oo aanu jirin   qof aad si toos ah  u weerartaan,  oo godob la’aan aad wadanka ku joogto,  ayaa loo baahan yahay” ayuu yidhi Mijir Qaadi.
 
 
Waxa kale oo uu sheegay Mijir Qaadi in haddii ay warbaahintu shaqsi si gaar ah weerarto ama lagu barto in ay lacag waydiiyaan masuuliyiinta   in ay  taasi wax u dhimayso sumcadoodii iyo kalsoonidii ay bulshadu ku qabtay wararkoodda.Waxaanu yidhi “Saxaafada haddii lagu barto inay wax uun iska maagto,  warbaahintii  waa ay qiimo beelaysaa, sidoo kale haddii lagu barto lacag way  qiimo  beelaysaa.  Waxaana  loo baahan yahay wax kasta oo sharaftiina iyo qiimahiina waxyeelayaba in aad ka fogaataan.” Yoonis Cali Nuur,  oo ah khabiir la taliye u ah  ururka  SOLJA oo isna madashaasi ka hadlay ayaa ka waramay muhiimadda ay leedahay in la isugu yimaado oo fikrado lagu kala qaato kulamo  lagaga hadlayo danaha  warbaahinta. Waxaanu  yidhi “Waxa sharaf inoo ah dhamaanteenba  in meel la isugu yimaado,  iyadoo laga wada hadlayo danaha saxaafadda.  Dantan   maanta madashan  loo fadhiyo ee lagaga  wadahadlayo    sidii ay warbaahintu wax u wada qabsan lahayd,  markaa qofkii lacag doonaya tukaan ha furto,  laakiin haddii aad waayo aragnimo iyo aqoon doonayso iyo nolosha in aad fahamto  waa in aad horumarisaan mihnadiina saxaafada,  si qofku u helo nolol wanaagsan, waxaanan idin leeyahay is-diiwaangaliya.” Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Dhaqaale waa loo baahan yahay oo in TV-gii ama wargeyskii is bixiyo waa loo baahan yahay,  laakiin haddii  wixii aniga ii dan ahi ay warkii ka hor marto,  khatarteeda ayay leedahay  oo waxa ay noqonaysaa  in aan wax dilno ama wax dhacno  markaa in aad noolaato waad  u baahan tahay,  hase ahaatee si nadiif ah oo xalaal ah  u noolow,  budhcadnimo laguma horumaro  ee  si ay sharafi  ku jirto u horumar.” Sidoo kale waxaa isna kulankaasi hadal kooban ka jeediyay  Maxamad Xasan Cali (Weji) oo ka mid ah khabiiradda dhinaca warbaahinta, waxaanu sharaxay sida ugu haboon ee looga bixi karo  caqabadaha warbaahinta hortaagan ee ah dhaqaale xumadda. Isagoo tilmaamay in    wax soo saarka warbaahintu    uu ku xidhan yahay hadba dhaqaalaha ay  helaan inta uu leeg yahay.
 
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply