Wasiirka Qorshaynta Oo Shir Caalami Ah Kaga Qayb-galay Jarmalka

0
718

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka Wasaarada qorshaynta Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, ayaa ka xog-warramay shir caalami ah oo adduunka dhan isugu yimaado sannad kasta (International Barlin Gethering) oo uu kaga qayb-galayo dalka Jarmalka.
Dr. Sacad Cali Shirre oo jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaaladda Frankford ee  dalka Jarmalka ay ku soo dhaweeyeen madaarka waxa kale oo uu sheegay inay u qorshaysan tahay inuu la kulmo wufuuda kala duwan ee shirkaasi ka qayb-galaya.
“Waxaanu u nimid in aanu ka qayb-galno shir ka dhacaya dalka Jarmalka, waxaanu joogi doonaa illaa 5 maalmood oo aannu la kulmi doono hay’addo badan iyo wufuuda shirkaas oo aanu la kulmi doono, markaa waxaanu rajaynaynaa in aanu khayr kala kulano.” Ayuu yidhi Wasiirka qorshaynta Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply