Badhasaab Ramaax Oo Gaadhi Cusub ku Wareejiyey Maamulka Degmada Qulunjeed

0
746

By. Cabdi M. Safwaan
 
Boorama (Dawan)- Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa gaadhi Bas ah oo cusub gaadhsiiyey maamulka degmada Qulunjeed, wuxuunu sheegay inuu gaadhigani yahay kii ugu horeeyay  ee uu ku wareejino degmadaasi Quljeed,
Gaadhigan oo wax wayn ka tari doonaa baahiyaha asaasiga ah ee ka jira degmada Qulunjeed, ayaa loo sameeyay munaasibad ballaadhan oo lagula kala wareegayay, taas oo lagu qabtay isla degmada Qulujeed ee gobolka Awdal
 
Guddoomiyaha gobolka Awdal mudane Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa ugu horrayn ka hadlay munaasibadaasi lagula kala wareegayey gaadhigaasi, waxaanu yidhi “Baabuurkan waa baabuurkii ugu horreeyey ee degmada Qulunjeed ay dawladu u iibiso oo aan maanta (shalay) ku wareejinayaa, Maayarka anaga oo la aragnay runtii daruufaha ku xeeran, iyada oo uu runtii Maayarku yahay Maayar xilkiisa ka adag, codsigaasna oo mudo badan yaalay horrana loogu balan qaaday ilaa heer madaxwaynana loogu balan qaaday ayaa maanata ILLAHAY noo suurto galiyey inuu gaadhigii gacantayada soo galo gudoomiyaha degmadana aan ku wareejiyo”
Guddoomiyaha degmada Qunujeed Maxamed Hadoon oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay ayaa wareejinta deeqdaasi ka mahdceliyay, isla markaana aad ugu amaanay badhasaabka gobolka Awdal sida uu iskugu taxaluujiyey gaadhigan oo ah baahiyihii degmada, waxaan uu yidhi gudoomiyuhu “Aaad iyo aad ayaan uga mahad celinyaa badhasaabka gobolka Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) runtii gaadhigan waxa uu ahaa baahiyihii degmadu ay u baahnayd isagoo wax badana ka tari doona, markaa kolay ma dhamaato baahiyuhu ee wixii kale ee ay u baahnaydna waanu ka sugaynaa, kana aad iyo aad baanu ug mahad celinaynaa”
Gabagabaddii waxa munaasibadaasi ka hadlay Maayarka cusub ee degmada Boorama, waxaanu u mahad celiyey badhasaabaka gobolka Awdal isaga oo sheegay inuu yahay badhasaabkii u horreeyey degmada Qulunjeed ugu deeqa baabuur, degmadana ay aad ugu baahnayd.
 
 
 

Leave a Reply