Wasiirka Madaxtooyada Oo Shacabka Somaliland Ku Hambalyeeyey Munaasibada 26 June

0
391

By. Cabdi M. Safwaan
 
Hargaysa (Dawan)- Wasiirka madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa shacabka Somaliland Ku hambalyeeyey munaasibada 26 June awgeed, oo ah maalintii ay jamhuuriyada Somaliland ka xorowday gumaystihii Ingiriiska.
Wasiir Xirsi Cali X. Xasan  waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal koobaan ku baahiyay bartiisa xidhiidhka bulshada ee facebook-ga, waxaanu ku yidii “Waxaa laga joogaa 55-sanno oo ku beegan 1960-kii kadib markii Somaliland xoriyada ka heshay maxmiyadii Ingriiska “British Protectorate, isla sanadkaa 1960-ka oo ahaa sannad ku suntan dhaqdhaaqii gobonimo doonka Africa (Pan Africanism Movement) ayey nasiib wanaag Somaliland ka mid noqotay dalalkii laydha xornimadu martay ee helay ciid xor ah iyo calan ciil la’”.
Wasiir Xirsi oo shacabka dareen siinaya qiimaha 26 June  ayaa yidhi “Maanta oo kale ayey ahayd markii ALLAHA u naxariistee abwaan Timacade lahaa kana siib kanna saar, isagoo garanaya qiimaha gobonimada iyo xornimada”.
Wasiir Xirsi ayaa EEBBE caafimad uga baryey  oday Cismaan Axmed Xasan Indhoole oo ahaa odaygii lagu wareejiyey calankii ugu horeeyey ee xora ee ay soomali lahaaato, “Waxaan sidoo kale u ducaynayaa Cismaan Axmed Xassan “Indhoole” oo ah DC-gii gacanta ku qabtay calankii u horreeyey ee xor ah isla markaana ahaa DC-gii kala wareegey maxmiyadii Ingriiska ilaa maantana ina dhex jooga ALLAHA cimriga iyo caqligaba u barakeeyo”.
Wasiirka madaxtooyada Somaliland ayaa gaba-gabadii shacabka  Somaliland ku hambalyeeyey munaasibadan qaaliga ah “Waxaan shacabka xorta iyo xariirta ah ee reer Somaliland meel ay jooganba ugu hambalyeynayaa maalinta gobonimada Somaliland” ayuu hadalkiisii ku soo gaba gabeeyey wasiirka madaxtooyada Somaliland.
 
 

Leave a Reply