Guddoomiye Ku Xigeenka Wakiillada iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Laascaanood

0
472

By. Cabdi M. Safwaan
 
Laascaanood (Dawan): Wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiilladda ee Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa shalay gaadhay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
 
Weftigaasi oo  ay ka mid ahaayeen  wasiirradda Hawlaha guud iyo guriyaynta  Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo wasiirka  waxbarashada Faarax Cilmi Geedoole iyo masuuliyiin ka socda shirkadda Hass Petroleum oo doonaya in ay mashaariic ka soo hirgeliyaan gobolka Sool.
 
Markii  ay weftigaasi gaadheen magaaladda Laascaanood si weyn u soo dhaweeyay maamulka heer gobol iyo heer degmo.
 
Iyadoo munaasibad  lagu soo dhawaynayay weftigaasi  lagu qabtay magaaladda Laascaanood, taasi oo ay hadalo ka jeediyeen masuuliyiintii weftiga ahaa iyo sidoo kale masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ee Sool.
 
 
Gudoomiye  ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda   oo  hadal ka jeediyay munasibadaasi ayaa ka waramay ujeedada safarkooda, isagoo masuuliyiinta gobolka ee soo dhaweeyayna uga mahad naqay sida fiican ee ay u soo dhaweeyeen.
 
Waxaanu  yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in aanu nimaadno Laascaanood, gudoomiyaha gobolka, Maayarka, taliyaha booliska, shaqaalaha kala duwan ee dawlada ee nagu soo dhaweeyay  Laascaanood aad iyo aad baan ugu mahad celinayaa. socdkayga maanta (shalay) waxa uu ahaa in  Cabdinaasir oo ah gudoomiyaha shirkadda Hass iyo Car inay dhagax dhigayaan iskuulo boodhin ah, mid gab-dhaha ah iyo mid wiilasha ah oo laga hir galinayo gobolka  oo  ay u dhagax dhigayaan wasaaradda  waxbarashada  oo uu wasiirku inagala socdo”.
 
Mudane Baashe Maxamed Faarax,  waxa kale oo uu intaa ku daray   “Magaaladani waa magaaladaydii, waxaanan  ku  faraxsanahay horumarka ka socda.  Waxaanu  ku farax sanahay nabad gelyadda, waxaanu ku faraxsanahay maamulka isku xidhan ee wada shaqeeya.  markaa waxaan aad iyo aad ugu faraxnay horumarka Laascaanood, waxaasna waxa keenaya waa nabad galyada”ayuu yidhi guddooiye Baashe.
 
Guddoomiyaha gobolka Sool Yaasiin Maxamed Shide,  oo  isna halkaasi ka hadlay ayaa   weftigaasi  uga mahad naqay booqashadooda ay ku yimaadeen Laascaanood.Waxaanu  yidhi “Waxaan idin leeyahay Gudoomiye ku soo dhawaada adiga iyo golaha wsiirada ee aad hogaaminayso, guud ahaan gobolka Sool, gaar ahaan degmada Laascaanood.
 
Sidaad  ka warhaysaan gobolka wuu nabad qabaa, Wax dhib ah  oo jiraa ma jirto ee horumarkiina iyo waxa aad ka qabateena waad arki doontaan, halka uu maraayo, haddii ay wadooyinka noqoto ama isteeshinada ama goobaha waxbarshada, waxaan idin leeyahay mar labaad ku soo dhawaada gobolka”.
 
 
Sidoo kale waxaa halkaasi hadallo ka jeediyay masuuliyiin uu ka mid ahaa maayarka magaaladda Laascaanood, taliyaha qaybta booliska Sool iyo xildhibaano ka tirsan golaha degaanka Laascaanood.
 
 
 
 
 
 
 

Leave a Reply