Prof. Mixille Oo Shacbiga Iyo Shaqaalaha Dawladda Ku Bogaadiyay Munaasibadda 26-ka June

0
454

Hargeysa (Dawan)- Prof. Maxamed Mixille Boqorre, ayaa sheegay in shaqaalaha dawladdu ay maalinta Sabtidda ee 27-ka Bishan June ay fasax ka yihiin shaqooyinka dawladda, maadaama oo fasaxii maalinta 26-ka June uu ku soo beegmay maalin Jimce ah oo fasax ahaan jirtay.
 
Sidaasna waxa uu ku sheegay Guddoomiyaha Ha’yadda shaqaalaha dawladdu warsaxaafadeed uu shalay soo saaray oo u dhignaa sidan:-“Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu wuxuu ku wargalinayaa dhammaan masuuliyiinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawliga ahi in shaqaalaha dawladdu inay fasax ka yihiin shaqada maalinta Sabtida ah ee taariikhdu tahay 27/06/2015, oo ah maalinta aynu xornimada ka qaadanay Ingiriiska 26 June  ee 2015, oo ku beegantay fasixii todobaadka oo ah Jimce loona badalay maalinta Sabtida ah ee bishu tahay 27/06/2015.
Waxa kale oo uu halkan uga hambalyaynayaa Madaxweynaha JSL iyo Marwadiisa, Madaxweyne ku xigeenka JSL, iyo Marwadiisa iyo dhammaan shacbi weynaha Somaliland iyo dhammaan Shaqaalaha Dawladda, Xaasaskooda iyo Caruurtooda munaasibada maalintii aynu xornimada kala soo noqonay Ingiriiska waxaanu u rajaynayaa inay ku gaadhaan bishan bisheeda bash bash, Badhaadhe iyo Nabadgelyo Haddii Eebe Idmo.”
 

Leave a Reply