Kanada: Islaan 91 Jir Oo La Ganaaxay

0
453

Booliiska dalka Kanada ayaa ku ganaaxay 100 Giniga Isterlinka ah islaan da’deedu tahay 91 sano.  Islaantan oo lagu magacaabo Evett Vachon ayaa isticmaashay kursi gariira oo dhawaaqiisa ay ka soo cawdeen dadka jaarka ah. Kursigan ayaa la sheegay inay islaantu ku fadhiisato marka ay daawanayso Tv. Jaarka aya booliiska uga ashkatooday arinkaasi.
Booliiska ayaa sheegay inay islaantu ka hor timi sharciga buuq yaraynta magaalada kaasi oo lagu qaado qof kasta oo la yimaadda dhawaaq ka argagaxiya jaarka iyo dadka dariiqyada maraya.

Leave a Reply