Wasiirka Madaxtooyada Oo Qaabilay Wefti Ka Socday Hay’ad Samafal Oo Turki Ah

0
363

Hargeysa(Dawan): Wasiirka  Wasaaradda Madaxtooyada  ee Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday   hay’ad  samafal oo  Turki ah, kuwaasi  oo  booqasho ku yimid caasimadda dalka ee Hargaysa.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa  masuuliyiinta ka socday hay’adaasi  waxa uu uga warramay  halka ay Somaliland marayso iyo meelaha u baahan in gacan samafal laga geysto,  sida dadka danyarta ah ee u baahan in  noloshoodda   kor loo soo qaado  gaar ahaana  caawinta xarumaha  Agoomaha iyo meelo kale.

Guddoomiyaha  hay’adda  diiwaanka Sekedda ee Somaliland Sheekh Siciid Maxamed Faarax,  oo markii kulankaasi  soo dhamaaday warbaahinta la hadlay,  ayaa sheegay in  wasiirka  madaxtooyada iyo masuuliyiinta ka socday hay’adaasi Samafal  ee  Turkiga ah.

 

Waxaanu sheegay in ay  ka wada hadleen sidii ay   hay’addu  gacan samafal uga gaysan lahaayeen  baahiyaha nolosha dadka danyarta ah, taasi oo uu sheegay sheikh Siciid in  u jeedadda ay masuuliyiinta hay’adaasi u yimaadeen ay tahay   caawinta dadka jilicsan  ee ku nool  magaalooyinka   Somaliland,   isla  ay sidaan raashin ay ugu tallo galeen dadka danyarta ah, kaasi oo  maalmaha soo socda loo qaybin doono dadka jilicsan.

 

 

 Waxaanu yidhi “Masuuliyiintani ka socda hay’adda Samofal ee dalka Turkiga  waxay Somaliland u yimaadeen in ay caawiyaan dadka saboolka ah,  gacanna ka gaystaan kor u qaadista noloshooda taasi oo ay wadayaan mustaqbalka,  wax tarna ka geysanayaan  nolosha  dadka danyarta ah iyo kuwa saboolka ah”.

 

Dhinaca kale masuuliyiinta ka socday hay’adaasi Samafalka ee Turkiga ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin booqashadda ay ku yimaadeen Somaliland, isla markaana ay  bulshadda danyarta ah ee taageeradda u baahan caawimooyin soo gaadhsiin doonaan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply