Suuqyada Shiinaha oo Hoos u Dhacay

0
724

Qiimaha saamiyada ee shiinaha ayaa wali si layaableh hoos ugu sii dhacaya.
Dawladda ayaa isku dayaysa in ay sare u qaado suuqyada maalimihii u dambeeyay.
Wixii ka horeeyay todobaadyo suuqyada saamiga ee Shiinuhu waxa ay ahaayeen kuwo ka mid ah kuwa ugu wanaagsan adduunka.
Suuqa saamiga ee Shanghai ayaa qiimihiisu labo jibaar ka saro maray sanad gudahii.
Laakiin maalmihii u dambeeyay suuqyada Shiinaha ayaa la kulmay hoos u dhac iyaga oo lumiyay tirilyano doolar oo qiimaha saamiyada ah.
Haatan, waaxda dabo gasha ammaanka Shiinaha ayaa sheegtay in ay baadhayaan in qolyaha ku lugta leh ay si khalad ah u iibinayaan wax soosaarka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dawladdu ay xayirtay sagaal iyo taban xisaabo bangi, kuwaas khamaar ku dhigayay in suuqyadu ay hoos u dhicidoonaan.
Dadka wax indhaindheeya waxa ay leeyihiin waxaa jira jahwareer sii kordhaya oo ka jira suuqyada saamiga iyada oo saamilaydu ay isku dayayaan in ay dhimaan ama la baxaan sheerarkooda si ay khasaaraha u yareeyaan.
Mid ka mid ah dadkaasi wax taxliiliya ayaa sheegay in xaaladan hadda taagan ay tahay mid aan horay u soo marin suuqyada saamiga ee shiinaha taarikhda dalkaasi shiinaha.

Leave a Reply