Wadanka Ruushka Oo Soo Saaray Diyaarad Si Fudud Isaga Difaaci Karta Diyaaradaha Maraykanka, Una Dili Karta

0
372

Dhowaan ayay ahayd markii ay khubaro isugu jirta Ruush iyo Shiine ay soo saareen radar awood u leh in ay soo qabato diyaaradaha guuxooda ka dheereeya marka ay hawada soo galaan,kaas oo fududayn kara in laga hortago diyaaradahaasi oo khatar badan ku haya goobaha dagaalka.
Haddaba sida lagu qoray wargeyska lagu magcaabo The National Interest ,waxay khubaro u dhashay dalkaasi Ruushku dhowaan soo saareen diyaarado Drones ah oo laga sameeyey farsamo ahaa waraaqo,kuwaas oo lagu magcaabo Bass-62,waxaanay diyaaradahaasi ku duulayaan sida warbixinta lagu sheegay joog aad u dheer,waxaanay dherer ahaan gaadhaysaa ilaa 18 meters,waxaanay awood u lee dahay inay iska difaacdo sidoo kalena weerari karto diyaaradaha kala duwan ee dalkaasi Maraykanka iyo wadamada kaleba.
Diyaaradan ayaa la mid ah diyaaradaha ay lee yihiin wadamada Chine iyo Maraykanku ee lagu magcaabo Vulture my God iyo  Global Hawk oo dhowaan la sameeyey,waxaana jira qalab ay kaga duwan tahay diyaaradaasi diyaaradaha kale,kuwaas oo dhinaca Technology-ga ah.
Diyaaradan ayaanay hore u qabanayn radaarada oo dhami,taas oo fududaynaysa inay arki waayaan dhamaan diyaaradaha Maraykanku,ayna halkooda ku bur burin karto.
Diyaaradan ayaa ah mid aanay cidi wadin,waxanay awood u lee dahay inay la dagaalanto dhamaan diyaaradaha khatarta ah ee wadanka Maraykanka,gaar ahaana diyaaradaha lagu magcaabo Raptor iyo F-22 oo ay sidooda oo kale u samaysan tahay.
Wargeyskan ayaa sheegay inay dalkaasi Ruushka kaga baxday lacago aad u badani,iyada oo loo dhamaystiray dhamaan habab ka kala duwan ee ay u samaysan yihiin diyaaradaha dalkaasi Maraykanku,ay lee dahayna waxyaalaha kala duwan ee ay lee yihiin.
 

Leave a Reply