Telefishanka Oo La Daawado In Ka Badan Shan Saacadood Waxay Keentaa Xanuunada Araga Dila

0
311

Daraasad cusub oo laga sameeyey daawashada badan ee telefishanka ayaa lagu sheegay in haddii telefishanka la daawado muddo ka badan shan saacadood ama in ka badan maalintii ay keento indho la’aan iyo dadka oo madaxa dhiig kaga furmo.
Daraasadan oo ay samaysay koox khubaro ah oo ka socotay jaamacadda Osaka University oo ku taala wadanka Japan ayaa lagu sheegay in tijaabooyin laga qaaday dad gaadhaaya ilaa 86,000 oo qof,kuwaas oo da’ahaan u badnaa ilaa 18 sanno jir,waxaanay sheegeen in ay ogaaeen in dadka inta badan daawada telefishanku ay khatar u yihiin in xididada madaxa taga ee araga iyo dareemeyaasha isku xidhaa dhaawac soo gaadho,gaar ahaana iyada oo dhiig halkaasi fadhiisto kaas oo keeni kara indho beel iyo dhiif madaxa marka dambe ku furma.
Dadka inta badan waqtiyadaasi looga digay ayaa la sheegay inay yihiin kuwa da’ahaan gaadhaaya 40 ilaa 59-ka sanno,sida uu sheegay Toru Shirakawa oo ah dhakhtar ka tirsan bareyaasha jaamacadaasi oo intaas raaciyey inay dadkaasi waweyni khatar ugu jiraan inay indho beelaan ama madaxa dhiig kaga furmo markay muddadaasi shanta saacadood iyo inta ka badan ah daawadaan telefishanka.
Waxa uu usoo jeediyey khabiirkaasi dadkaasi daawashada telefishanka badsada inay iska yareeyaan ama waqtiga daawashada mar mar ka kacaan ,iyaga oo jimicsi qaadanaaya cuntooyina cunaaya si aanay khatartaasi ugu dhicin.

Leave a Reply